Wariye Nimco Muhudiin Maxamed (Cardoofe) ayaa galabta ka badbaadday weerar isku day dil, kadib markii koox hubeysan oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin argaixisada Al-Shabaab ay rasaas ku fureen, sida ay xaqiijiyeen iyada iyo goobjoogayaal ku soo baxay dhacdada.
Laba nin oo watay Mooto FEKON ayaa rasaas ku furay Wariye Nimco, xilli ay ku sugneyd afaafka hore ee hoygeeda oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Wariyadda ayaa si degdeg ah ugu carartay gudaha guriga, taas oo fududeysay inay ka badbaado rasaastii lagu furay.
Wariyadda ayaa noo xaqiijisay in muddooyinkii dambe ay jireen kooxo u soo hanjabaya, kuwaas oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin argagixisada, waxaana loogu goodiyey dil iyo waxyaabo lamid ah, iyadoo ugu dambeyntiina lagu qaaday weerar toos ah.
Wariye Nimco ayaa noo sheegtay in markii hore ay aragtay labada nin oo afka u duuban yahay, kadibna ay ka shakisay, isla markaana ay si degdeg ah ugu carartay gudaha guriga, halkaas oo ay kaga badbaaday rasaasta.
Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa khatarta amni ee ay wajahaan wariyeyaasha Soomaaliyeed, kuwaas oo marar kala duwan la kulma hanjabaado iyo weerarro la xiriira shaqadooda warbaahineed.











