Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warmurtiyeedka Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta SoomaaliyaMuqdisho – 06 – 08 May 2017

admin by admin
May 8, 2017
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay wehliyaan ururadda weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, ayaa ku yeeshay Hoteelka Coconut Resort Beach ee magalada Muqdisho 6dii ilaa 8dii May 2017 Kulan wadatashi ah oo uu gudoominayey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), ayaa furay shirka 6da May 2017, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (WWDHD) ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), Wasiir Ku-xigeenka (WWDHD) Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed ee Soomaaliya Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Abdifatah Nur Ashkir , Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee GalMudug Dahir Farah Fiidow, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta HirShabelle Abdikarin Maxamed Diriye, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqalka iyo Dalxiiska HirShabeelle, Mahad Xassan Osman.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wakiilo ka socday Gobolada Banadir, iyo ururada madaxa bannaan ee saxaafadda gaarka loo leeyahay.

Shirkan waxaa la soo gabagabeeyay 8da May, 2017, waxaana soo xiray Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Kulanka 3da cisho socday, ayaa lagu lafoguray arrimo ay ka mid yihiin:

1. Dib u eegista Xeerka Saxaafadda;
2. Dib u eegista Istraatejiyada Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee 5ta sano;
3. Diyaarinta Qorshaha & Istraatejiyada Wacyigelinta Bulshada Soomaaliyeed
4. Dhaqangelinta Istraatejiyada Qaranka ee Ka Hortaga Fikirka Xagjirka;
5. iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka, wadashaqeynta iyo Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya.

Wadatashi dheer kadib, ka qeybgalayaashu, waxey isla garteen qoddobadan soo socda:

1. Ka qeybgalayaasha shirku, waxay u mahadceliyeen Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada sida wanaagsan ee ay u soo abaabuleen shirkan muhiimka ah, waxayna soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ku aadan doorkooda wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda ku aadan arrimaha lagu lafoguray shirka.
2. Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna ammaaneen horumarka laxaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxayna xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xoriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka.
3. Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in ay dib u eegis lagu sameeyo qodobada cabashada laga qabo ee Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed ee baarlamaanku ansixiyay 26 December, 2015, madaxwaynuhuna saxiixay 9 January, 2016. Kaasoo la soo jeediyay in muddo laba todobaad gudahood ah ay dowlad goboleedyada iyo saxaafaddu ugu soo gudbiyaan wasaaradda warfaafinta si xeerku noqdo mid la jaanqaadi kara nidaamyada caalami ah ee saxaafadda.
4. Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu noqdo kan qaranka, ayna Dowlad Goboleedyadu si buuxda u waafajiyaan xeerarkooda saxaafadda.
5. Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga wada shaqeeyo, bacdamaa xeerku uu maareeynayo cabashooyinka iyo hab-dhaqanka shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba xeerka saxaafadda, anshaxa iyo asluubta warbaahinta. Waxaana la isla qaatay in ay lagama maarmaan tahay in dhammaan dalka laga sameeyo wacyigelin lagu sharaxayo muhiimadda dhaqangelinta xeerka saxaafadda. Fulinta barnaamijkan waxaa laga codsaday hay’adaha warbaahinta taageera iyo beesha caalamka in ay gacan ka geystaan dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda.
6. Ka qeybgalayaashu, waxay dib u eegis ku sameeyeen isla markaasna ay isku waafaqeen in la dhaqangeliyo Istraatejiyadda Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee 5ta sano ee soo socota (2017 – 2021).
7. Ka qeybgalayaashu, waxay ku ballameen in ay si wadajir ah u wada dhaqangeliyaan Istraatejiyada, iyagoo kaashanaya shacabka, suxufiyiinta Soomaaliyeed, ururada matala warbaahinta iyo beesha caalamka. Waxaana marwalba door hoggaamineed iyo isku xir qaadanaya Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la tashaneysa Dowlad Goboleedyada, iyo qeybaha kale ee warbaahinta madaxa bannaan.
8. Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda, oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta ka howlgala dalka, sharci-siinta hay’adahaas, iyo in ay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha. Waxaana hoggaanka iyo isku xirka marwalba leh Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka.
9. Ka qeybgalayaashu, waxay cambaareeyeen ficilada dilka, dhaawaca iyo hanjabaadaha ah ee kooxaha argagixisada ah ku hayaan umadda Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha oo sharciga la hor keeno, si loo joojiyo isla-xisaabtan la’aanta, isla markaana dambiilayaasha aan loo oggolaan in ay bulshada ku dhexmilmaan, iyagoo aan cadaalada la horgeynin.
10. Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub.
11. Ka qeybgalayaashu, waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka hawlgalayaan, una gudbiyaan taariikhdooda, qorshahooda iyo qorshe hawleedkooda, oo dhameystiran.
12. Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen in Wasaaradda Warfaafinta Federaalka lagala tashto dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ka fulinayaan dalka, oo aysan hay’adna ka howlgeli karin dalka, iyagoo aan oggolaansho ka helin Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka howlgalaan.
13. Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ku midoobaan dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa, Dastuurka, nidaamka federaalka, doorashooyinka, dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, la dagaalanka Jahliga iyo fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta.
14. Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen Istraatiijiyadda Qaranka oo Dhamesytiran ee ka hortagga fikirka xagjirka ah (CVE), isla markaasna waxay isla garteen muhiimadda dhaqangelinta Istraatiijiyaddaas, iyadoo Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay u istaagayaan isku-xirka iyo xiriirinta Barnaamijkan, iyagoo kaashanaya dhammaan hay’adaha ay khuseyso sida Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Diinta, Waxbarashada, Dhalinyarada, Haweenka & Xuquuqul Insaanka iyo Garsoorka. Xarunta Qaranka ee iskuxirkana ay hoos-timaaddo Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
15. Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, labadii biloodba marna lagu qabto mid ka mid ah caasimadaha dowlad goboleedyada dalka.
16.

Ugu dambeyntii ka qeybgalayaashu, waxay ka codsadeen hay’adaha caalamka iyo dowladaha taageera Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya in Shir Deeqbixiyeyaasha ah loo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan si loo codsado miisaaniyada lagu fulinayo Istraatiijiyadda Warbaahinta Dalka, Xeerka Saxaafadda iyo Wacyigelinta Bulshada. Waxaana laga codsaday Kooxda Teegeerta Warbaahinta Soomaaliya (Somali Media Supporting Group (SMSG)) in ay door hoggaamineed ka qaataan hirgelinta kulanka yabooha horumarinta warbaahinta Soomaaliya. 
  

 

Previous Post

Madaxweynaha “Dowladdan waxay ballan qaaday dib u heshiisiin, waxayna ka bilaabaysaa Afgooye.” (SAWIRRO)

Next Post

Ra’iisul waasaraha oo booqday mid kamid ah maraakiibta howlgalka Atlanta-Sawirro

Next Post
Ra’iisul waasaraha oo booqday mid kamid ah maraakiibta howlgalka Atlanta-Sawirro

Ra'iisul waasaraha oo booqday mid kamid ah maraakiibta howlgalka Atlanta-Sawirro

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In