Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
11 months ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Cunno Iyo Daawo Ah Gaarsiisay Deegaannada Sabiid Iyo Caanoole
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali, iyo mas’uuliyiin kale, oo howlo shaqo ku jooga deegaanada Sabiid iyo Caanoole si ay ugu kuurgalaan xaaladda bini’aadantinimo ee dadka deegaanka, kuwaas oo ay argagixisadu u geysatay dhibaatooyin fara badan.

Intii lagu guda jiray kormeerka, shacabka ku nool deegaanada laga xoreeyay argagixisada waxaa la gaarsiiyay gargaar bini’aadantinimo oo ka kooban cuntooyin iyo dawooyin, waxaana ka faa’iideystay in ka badan 240 qoys oo si xooggan ay u saameeyeen falalkii arxan-darrada ahaa ee ay argagixisadu ka geystay Sabiid iyo Caanoole.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa xusay in dadaallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo baahiyaha degdegga ah ee ka jira deegaanada laga xoreeyay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Gargaarkan ayaa waxaa qaybiyay Hoggaanka Isku-xirka Shacabka & Ciidanka XDS (CIMIC), waana qayb ka mid ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu taageerayo bulshada ay argagixisadu dhibaateysay, si loo xoojiyo kalsoonida iyo wada-shaqaynta shacabka iyo Ciidanka Qalabka Sida.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Kulan La Yeeshay Hoggaanka Bulshada Rayidka

Next Post

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Next Post
TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

TACSI:-Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In