Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warsaxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada ee joogtada ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Warsaxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada ee joogtada ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, November 5, 2015——Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulanka looga hadlay qodobo kala duwan oo u badnaa, warbixino laga dhegeystay xubno ka tirsan guddiga gurmadka Abaaraha oo howshiisii u kuurgalista iyo xog uruurinta weli ka sii wada gobolada dalka ee looga cabsi qabo inay waxyeeleyso fatahaadaha iyo roobabka EL NINO iyo sidoo kale, warbixino laga dhegeystay xubno ka tirsan Wasiirada oo safari shaqo ku tagay dalal dibedda ah.

Kulankan ayaa sidoo kale, warbixin dheer looga dhegeystay Wasiirka caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed, waxayna soo bandhigtay warbixino la xiriira waxqabadka wasaaradda, iyo qorshe ku aadan hagaajinta xiriirka Wasaaradda iyo hay’addaha ku shaqada leh caafimaadka ee hoostaga Q/midoobay, waxayna tilmaantay in howlgalo ballaaran oo bani’aadanimo ay ku soo foodleedahay Wasaaradda ayna ku jiraan xaalad diyaar garow ah.
Marwo Xaawo ayaa sidoo kale waxay ka warbixisay mashaariic ay hirgelisay Wasaaradda Caafimaadka, iyo ballanqaadyo ay ka heshay dowladdo iyo hay’addo, kuwaasoo ku aadan taakuleyn caafimaad, waxayna rajo wanaagsan ka muujisay dowladdo ay xiriir la sameysay Wasaaradda.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhegeystay xubno ka tirsan Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo caafimaadka oo socdaalo xog uruurin ah ku tagay qeybo ka mid ah gobolada dalka, waxayna tilmaameen in dadka iyo duunyadaba ay halis badan ugu jiraan inay waxyeelo xoogan u geystaan Fatahaadaha iyo toobabka la filayo, waxayna ku taliyeen in la helo raashin iyo agab kale oo lagu gargaaro dadkaasi, haddii ay damcaan inay ka fogaadaan degaanadooda iyo beerahooda, iyo weliba qorshe ka dambeeya haddii Fatahaaduhu dhacaan.

—Dhammaad—–

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ganaax ah ku ridday dad ajaanib ah

Next Post
Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Puntland Oo Xukuno Kale Duwan Ku Riday Eedeysanayaal

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ganaax ah ku ridday dad ajaanib ah

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In