INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay la murugooneysaa geerida naxdinta laheyd ee ku timid Agaasimihii Maamulka iyo Maaliydda ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Allaha u naxariisto Bile Ismaaciil Diiriye Suleyman oo ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Deeqa Yaasin Xaaji Yuusuf oo ku hadlayso magaceeda, kan Wasiir ku Xigeenka iyo dhammaan howlwadeennada Wasaaradda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoyskii, ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay.
marxuum Bile Ismaciil oo ahaa ma’suul daacad ah oo ku caan baxay howlkarnimo iyo u adeegista qaranka Soomaaliyeed.
Wasiir Deeqa Yaasin oo murugada si gaar ah ula qeybsaneyso qoyska marxuumka waxay Ilaahay ugu baryaysaa marxuum Bile Ismaciil in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...












