Waxaa maanta si rasmi ah u bilowday diiwaan galinta shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leyahay ka howl gala iyo milkiilayaasha shirkadahaas oo horay wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya ay ugu yeertay in ay si dhaqso ah iskaga soo diiwaan galiyaan wasaarada.
kulan lagu qabtay maanta xarunta wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Cabdi wali Muudey wasiir ku xigeenka wasaaradaas mudane Cismaan libaax Ibraahim iyo taliyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad sugida waxaana looga hadlayay sida ay muhiimka u tahay in la diiwaan galiyo dhamaan shaqaalaha ka howl gala shirkadaha gaarka .
Taliyayaasha ayaa waxaa ayaa doorkooda shirku ahaa sida ay muhiimka ugu tahay amaanka diiwaan galinta shaqaalaha gaarka iyadoo mas’uuliyiinta wasaaradu ay ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan diiwaan galintooda waxaana ka hadlay kulanka wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Cismaan libaax Ibraahim oo sheegay in kulanku ahaa mid muhiim ah isla markaana waxaa uu shaaciyay in wasaaradu bilawday diiwaan galinta shaqaalaha.
Sawir qaadaha Cabdulaahi Codka