Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka qayb galay shir Muqdisho ka furmay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ,xubno ka socday xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda qorsheynt waxaana looga hadlayay sida Soomaaliya ugu faa’ideysan karto barnaamijyada horumarinta e Midowga Yurub shanta sano ee soo socota.

Furitaanka shirka ayaa waxaa hadal ka jeediyay Maxamed Cumar Carte Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka waxaa uu sheegay in taageerada Midowga Yurub ay siiso Soomaaliya wax badan ay ka caawisay sida dhismaha maamul goboleedyada, ammaanka , waxbarshada iyo arimo kale.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026

Shirka ayaa sidoo kale waxaa barnaamijka loo yaqaano 11 EDF ama Sanduuqa horumarinta Midowga Yurub  qeybtiisa 11 aad ee Soomaaliya goobta ku soo bandhigtay madaxa gudiga Iskaashiga Midowga Yurub ee Soomaaliya Daria Fane, iyadoo faahfaahisay barnaamijyada lagu taageerayo Soomaaliya shanta sano ee soo socota, waxaana su’aalo ka weydiiyay qaar kamid ah ka qeybgaliyaasha.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamka Mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa  waxaa uu ka waramayaa  waxyaabaha uu xambaarsan yahay barnaamijkan maanta la soo bandhigay ……

Barnaamijka horumarinta Soomaaliya ee Midowga Yurub qeybtiisa 11 aad ayaa waxaa ay soo bilaabaatay sanadkii 2014-ka waxaana sida uu qorshuhu yahay socon doonaa ilaa 2020-ka kaas oo sida ay dowladda Soomaaliya sheegtay ka duwanan doona barnaamijyadii horey Soomaaliya lagu caawin jirey, dowladda Soomaaliya ayaa yeelan doonta hogaanka iyo hagida barnaamij kasta iyo sida mudnaanta ay ku kala leeyihiin sida uu markale sheegayo C/raxmaan Ceynte wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashaiga Calamka……

Previous Post

Gudiga qaban qaabada maalmaha xoriyada oo ka hadlay halka ay marayso

Next Post

Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo bilawday diiwaan galinta shaqaalaha gaarka {SAWIRRO}

Next Post
Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo bilawday diiwaan galinta shaqaalaha gaarka {SAWIRRO}

Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo bilawday diiwaan galinta shaqaalaha gaarka {SAWIRRO}

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(WASHINGTON):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka warbixiyay shir sanadeedka Gugga(Spring Meetings)oo lagu qabtay magaalada Washington....

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay bulshada ay abaartu saameysay ee ku nool degmada Raaga Ceelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In