Sunday, June 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Amniga oo sheegtay inay War kasoo saareyso Shaqaaqadii kadhacday Siligga Ameerikaanka “SAWIRRO”

admin by admin
October 22, 2018
in Wararka
0
Wasaaradda Amniga  oo sheegtay inay War kasoo saareyso Shaqaaqadii kadhacday Siligga Ameerikaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya War kasoo saareyso Shaqaaqadii Maalin ka hor ka dhacday Xaafadda Siligga Ameerikaanka ee Degmadda Wadajir.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow “Duucaale” iyo Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladdu go’aan cad kasoo saareyso dhacdadii ka dhacday Siligga Ameerikaanka ee Magaaladda Muqdisho taas oo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle ayaa sheegtay arrintan soo noqnoqtay dibna isugu laabaneyso Dowladda Soomaaliya si-arrintan go’aan uga gaarto.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukuar Islow ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in uu ka tacsiyeynayo dadkii ku dhintay isku dhaca ka dhacay Xaafadda Siligga.

Wasiir Islow ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya baaritaan rasmi ah ku sameyneyso wixii ka dhacay Siligga loona dulqaadan doonin arrintan soo laalaabato.

Wasiir Islow ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqayo inaysan ku kadsoomin dhul aan sharci aheyn inay iibsadaan.

“Waxaan Xildhibaano iyo Wasiiro ku nahay Madaxiina waxaana ka xunahay wixii halkan kadhacay dadka dhintay waxaan ka qeyb qaadaneynaa sidii loo aasi lahaa sidoo kalena kuwa dhaawaca ah waxaad geysan kartaan Isbitaalkii aad rabtaan Dowladda ayaa garab idinka siineysa wixii aad rabtaan” sidaas waxaa sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow “Ducaale”

Previous Post

NISA oo qabtay shabakad ka shaqeyneysay lacagaha been abuurka ah +Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha degmada Heliwaa oo xalay kormeer ku sameeyay Xaafadaha ay ka koobantahay Degmada.

Next Post
Guddoomiyaha degmada Heliwaa oo xalay kormeer ku sameeyay Xaafadaha ay ka koobantahay Degmada.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa oo xalay kormeer ku sameeyay Xaafadaha ay ka koobantahay Degmada.

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In