Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha degmada Heliwaa oo xalay kormeer ku sameeyay Xaafadaha ay ka koobantahay Degmada.

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha degmada Heliwaa oo xalay kormeer ku sameeyay Xaafadaha ay ka koobantahay Degmada.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Mudane CabdixakiiM Cumar Cabdulle ayaa xalay kormeer ku sameeyay xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Waaxda Barwaaqo ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa ayaa sheegay in kormeerka xalay ay ugu kuur-galayeen xaalada nololeed iyo mida amni ee ay ku sugan yihiin dadka deegaanka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

“Intii aan roondada lugta ah ku jirnay ayaa waxaa kormeer noogu yimid Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Zakiya, waxeyna socod dheer nagala soo bilaawday Xaafada Carto ee Suuqa Xoolaha si ay ugu kuurgasho ee xaalada Nololeed iyo Mida Amni ee ay kusugan yihiin dadka deegaanka, waxeyna balan qaaday in ay Rugo Cusub oo Booliis laga sameyn doono Xaafada Suuqa Xoolaha si bulshada ku dhaqan xaafadaasi ay u hesho Amni iyo Adeeg Dowladeed oo dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiim.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan olole ballaaran oo ay dib ugu furayaan wadooyinka waaweyn ee ay xireen Geed Yahuudka iyo kuwa sharci darada ah loo degan yahay ee sababay in la waayo meelo ay maraan dadka shacabka ah ee degan xaafadaasi.

Maamulka degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa dardar gelinaya adeegyada muhiimka ah ee shacabka degmadaasi u baahan yihiin sida amniga,soo celinta bilicda iyo waliba in wada shaqeyn dhab ah dhex marto Maamulka iyo shacabka degmadaasi.

Previous Post

Wasaaradda Amniga oo sheegtay inay War kasoo saareyso Shaqaaqadii kadhacday Siligga Ameerikaanka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In