Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta albaabada isugu dhufatay Xabsigii ku yaallay Godka Jilacoow ee magaalad muqdisho.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo uu wehliyo Wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji oo halkaas shir jaraaโid ku qabtay ayaa sheegay in xaruntaas loo baddalay Akaademiyadda Jilacoow si tababarro ku saabsan xuquuqul insaankaย loogu siiyo shaqaalaha Hayโadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
โWaxay Wasaaradda amniga garatay in meeshan xabsiga laga badalo loona badalo meel ama goob ay ku bartaan ciidamada Nabad-sugidda la dhaqanka bulshada ama xaquuqul insaanka waxaana Alla Mahadii ah in maanta ay suurta gashay, Magaca Cusub ee halkan loo bixiyay waa Xarunta Jilocoowโ ayuu yir Wasiirka Amniga XFS
โQofkii hadda kadib la xiro waxaa laga raadin karaa saldhigyada Booliiska iyo Xabsiga dhexe, sidoo kale Nabad-sugidda waxay xaq u leeyihiin qofkay soo qabtaan 48 ku heystaan baarista Xisbiga waxii kabadana sharciga u maraan.โ ayuu raaciyay Wasiirk Amniga XFS
Tallaabadan waxay qeyb ka tahay isbadallo isdabajoog ah oo ay Wasaaraddu ku sameynayso laamaha amniga, loogana jawaabayo cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xabsigan.











