Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib-u-eegista la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka oo gaaray heshiis is faham iyo wada shaqeyn

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib-u-eegista la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka oo gaaray heshiis is faham iyo wada shaqeyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, ayaa ka qeyb galay kulan heshiis ay ku saxiixanayeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib-u-eegista ee Baarlamaaka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka , iyadoo ay gaareen heshiis is af-faham oo la xiriira wada shaqeyn iyo hirgelinta geeddi-socodka dib-u-eegista arrimaha Dastuurka KMG,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo furay shirka ayaa ku boggaadiyey dhinacyada heshiiska wada gaaray iney fuliyeen, si loo helo dastuur dhameystiran oo loo wada dhan yahay.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Mudane Khayre ayaa ku ammaanay Wasaaradda arrimaha dastuurka sida ay uga go’an tahay in la dhameystiro dastuurka, isla markaana ay dhinacyada kala duwan ee ku howlan dib-u-eegista dastuurka u fududeyso gudasha waajibaadkooda.

Wasiirka Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo guddiyada la shaqeeya ay ka go’an tahay in howsha dib-u-eegista arrimaha dastuurka lagu dhameystiro waqtiga u qorsheysan iyo in ay xoogga saari doonaan wada shaqeynta ka dhaxeysa saddexda dhinac.

“Ujeeddada Heshiiskani waa in la qeexo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Dib-u-Eegista iyo La Socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Heshiiskani wuxuu ku qeexan yahay Dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobada 133 iyo 134 iyo sharci lambar Lr. 119 ee 3dii bishii Luulyo 2013.”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dib-u-eegista ee Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo tilmaamay in guddigu uu kala shaqeyn doono Wasaaradda arrimaha dastuurka iyo guddiga madaxa-banaan sidii loo dar-dargelin lahaa arrimaha dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka.

–DHAMMAAD—-

Previous Post

Ra’iisul wasaare Kheyre oo daah furay Mashruuc shaqo loogu abuurayo dhalinyaradda Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post

R/wasaare Kheyre “Siddeed bilood ayaa wada shaqeyneynaa Madaxweyne Farmaajo wali isma khilaafin, waa Taariikh cusub”

Next Post
Ra’iisul wasaare Kheyre oo  daah furay Mashruuc shaqo loogu abuurayo dhalinyaradda Soomaaliyeed “Sawirro”

R/wasaare Kheyre “Siddeed bilood ayaa wada shaqeyneynaa Madaxweyne Farmaajo wali isma khilaafin, waa Taariikh cusub”

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In