Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaadatay dhalinyarada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaadatay dhalinyarada Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay talooyinkooda ugu gudbinayeen Wasaaradda, dhalinyarada ayaa waqti fiican u helay in ay su’aallo weydiiyaan Wasiirka iyo masuuliyiinta ugu sareeysa Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo la hadlayay dhalinyarada ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay soo dhaweeynayso in dhalinyaradu ay ka qaybgalaan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026

“Dhalinyarada waa tirada ugu badan dadkeena, sidaa darteed waxa inaga go’an in aan idinku dhiiragelino sidii aad ka qaybgal saameeyn leh ugu yeelan la heeydeen ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Wasiirka ayaa ka ballanqaaday dhalinyarada in kulamo dhowr ah la yeelan doonaan dhalinyarada si ra’i uruurin ballaaran loo sameeyo.

Dhanka kale, Avv Cabdi Xoosh ayaa ka codsaday dhalinyarada in si mutadawacnimo ah u la shaqeeyaan Wasaaradda oo ay sugeyso hawl ballaaran oo muhiim u ah in dalkeenna uu gaaro doorasho qof iyo cod ah afarta sanno ee soo socota.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in kulamada ceynkan oo kale ah la gaarsiin doono Maamul Goboleedyada dalka iyo wadamada ay ku noolyihiin Soomaalida qurba joogta ah.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirweynaha Ansixinta qaab dhismeedka Manhajka waxbarashada dalka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

February 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdalla...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In