Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Diblomaasi sare oo Wasaaradda ka tirsanaa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiiru dowlaha Khaalid Cumar Cali , Wasiir kuxigeenka Axmed Cali Maxamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Diblomaasi sare Axmed Maxamuud Ibraahim, Agaasime kuxigeenka Waaxda Carabta ee Wasaaradda oo March 13, 2017 ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Stanbul ee dalka Turkey, waxaanu u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe uu la dhibanaa.

Marxuum Ahmed Mohamud Ibrahim oo muddo 29 sano ku soo jiray howlaha diblomaasiyadda, ayaa waxa uu si rasmi ah kaga mid noqday howlwadeennada Wasaaradda sanadkii 1988.

Related posts

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026

Axmed Maxamuud oo ahaa diblomaasi aragti dheer oo fikirro cusub curiya ayaa sanadkii 1986 ka qaatay Shaahadada “Bachelor degree” ee kuliyadda Xiriirka caalamiga ee Jaamacadda “Sidi Mohamed Ben Abdellah University” ee Magaalada Fes ee dalka Morocco, kahor Jaamacadda waxa uu ka qalin jebiyay dugsiga sare ee Sheikh Sufi ee Muqdisho, waxa uu sidoo kale ka mid ahaa dufcaddii ugu dambeysay ee ka qalin-jebisay Akadeemiyadda daraasaadka diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kahor bilooyin kooban inta aaney burburin Dowladdii Milatariga ee uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Sanadihii 2008 iyo 2010 waxa uu koorsooyin diblomaasiyadeed ku soo qaatay machadka daraasaadka diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Marxuum Axmed ayaa Waaxda Carabta ka noqday howlwadeen, kadib Madax qeybeed illaa uu ka gaaray darajada Agaasime kuxigeenka Waaxda.

Marxuum Axmed Maxamuud Ibraahim oo ku dhashay Caasimadda Muqdisho sanadkii 1957, waxa uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta lagu tiriyo tiirarka udub dhexaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda gaar ahaan waaxyaha siyaasadda iyo amniga.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo,hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo QM ka dalbaday in macluumaadka abaaraha la wadaagaan dowlada-Sawirro

Next Post

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo cambaareeyey qaraxyada ka dhacay Muqdisho

Next Post
Daawo Sawiradda Qarixii ka dhacay agagaarka Hotelka Weheliye ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo cambaareeyey qaraxyada ka dhacay Muqdisho

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In