Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka warbixisay Taariikhda Marxuum Maxamed Sh.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka warbixisay Taariikhda Marxuum Maxamed Sh.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Mohamed Sheikh Hassan Osman “Tunni” oo xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 17, 2018 ku geeriyooday Magaalada Ajman ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Ambassador Mohamed Sheikh Hassan Osman ayaa kahor gobonnimada Soomaaliya, waxa uu ahaa Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirkii Talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya, isagoo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed si aad ah uga bartay gumeystihii xilligaasi dalka gacanta ku hayay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan waxa uu ka mid ahaa lixdii safiir ee ugu horreysay ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur laga kala xulay oo  Soomaaliya u matalay dal dibadeed.

Intii u dhexeysay 1960-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.

Sidoo kale waxa uu ahaa Danjire aan deganayn ee Ururka Midowga Yurub.

Intii u dhexeysay 1965-1967, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Jarmalka.

Intii u dhexeysay 1967-1969, Waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Masar.

Intii u dhexeysay 1969-1970, Waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada.

Danjire Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan, waxa uu ka mid ahaa dad xirfadlayaal sare ah oo Soomaali ah oo la howl bilaabay aas’aasidda Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, isagoo ahaa intii u dhexeysay 1977-1997 lataliyaha Madaxweyinihii ugu horreeyay dowladdaasi H.H. Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan ee arrimaha sharciga iyo mashaariicda Aasiya iyo Afrika.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan oo da’diisu ahayd 89 sano-jir, ayaa ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1929.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid AU Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan

Next Post

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In