Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha dibadda oo qabatay kulan logu duceynayay Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda arrimaha dibadda oo qabatay kulan logu duceynayay Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Munaasabad duco iyo xusuus ah maanta ugu qabatay Royal Palace Hotel ee Magaalada Muqidisho Marxuum Abdirahman Jama Barre, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo August 15, 2017, ku geeriyooday Magaalada San Diego, Gobolka California ee dalka Mareykanka.

Munaasabadaan ducada ah oo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare, Wasiirro, Xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal, qaar ka mid ah danjirayaasha Soomaalida, qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, diblomaasiyiin, samadoonno, indheer garad, aqoonyahanno iyo dad wax ku ool u ah bulshada, waxa ayna dhammaantooda Allah uga baryeen Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre in qabrigiisa ka dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada, hoygiisana ka yeelo Jannada sare ee Alfardows.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Hadallo ay Munaasabadda ka kala jeediyeen Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan, Danire Cali Maxamed Cali iyo diblomaasi hore Cabdi Shire Warsame, waxa ay wada xuseen kartidii maamul ee uu ku hagayay marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre howlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo siyaasaddeeda, taasi oo horseed u noqotay in saaxadda caalamka iyo midda gobolka ay si weyn uga muuqato Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cusmaan Xasan โ€œJuriilleโ€ oo ah xubin ka tirsan Aqalka sare ayaa muujiyay in xog ogaalnimadii Cabdiraxmaan Jaamac Barre ay wax weyn ka badashay howlihii shaqo ee Wasaaradda mudadii uu joogay, xaqiijiyayna guullo la taaban karo.

Si la mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Raโ€™iisul wasaaraha H.E. Mr. Abdullahi Hamud Mohamed ayaa farriin tacsi ah oo uu ka siday Raโ€™iisul wasaare H.E. Mr. Hassan Ali Kheire u gudbiyay qoyska Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay la qeybsanayso murugada iyo tiiraanyada reerka Wasiirkii hore.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare Hon. Mr. Mowleid Hussein Guhad ayaa isna tacsi uu ka sidday Guddoonka iyo xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu u gudbiyay qoyska Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo sheegay in wanaaggii uu ka tagay Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac ay sababtay in jiilka xilligan shaqeeya ay maamuusaan waxqabadkiisii, ayna u duceeyaan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa isna sheegay inuu ka mid ahaa jiilkii daโ€™yarta ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka shaqeynayay xilligii uu Wasiirku ahaa Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo ku tilmaamay in cadaalad-falkiisii ay gaartay heer uu ka war-doono diblomaasiga xanuunsada, ugana farxiya kuwa dadaalka badan darajooyin kala duwan oo dalacsiin iyo abaal marrinno leh.

Qoyska Marxuumka oo Munaasabadda goob ka joog ka ahaa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo marti sharafta kale uga mahadceliyay ka qeybgalkooda Munaasabadda ducada, waxa ayna bogaadiyeen sida qiimaha leh ee loo maamuusay Marxuumka.

Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii milatariga ayaa labo xilli noqday Wasiirka Wasaaadda Arrimaha Dibadda iyo sidoo kale Raโ€™iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyadda, waxa uu ahaa siyaasi indheer-garad ah, macallin iyo barbaariye.

Allah u naxariisto, Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa noqday Wasiirka lixaad (6,aad) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo ka shaqeeyay howlaha diblomaasiyadda muddo ku siman 11 sano, waxa uu u adeegay dadkiisa iyo dalkiisa.

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Holand

Next Post

Japan oo ka qeylo dhaamisay Gantaal ay Kuuriyada Waqooyi Dulmarisay Dhulkeeda.

Next Post
Japan oo ka qeylo dhaamisay Gantaal ay Kuuriyada Waqooyi Dulmarisay Dhulkeeda.

Japan oo ka qeylo dhaamisay Gantaal ay Kuuriyada Waqooyi Dulmarisay Dhulkeeda.

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In