Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Japan oo ka qeylo dhaamisay Gantaal ay Kuuriyada Waqooyi Dulmarisay Dhulkeeda.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Japan oo ka qeylo dhaamisay Gantaal ay Kuuriyada Waqooyi Dulmarisay Dhulkeeda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xili uu jiro cadaadis caalami ah oo ku wajahan Xukuumadda Pyongyang ee kuuriyadda Waqooyi, ayaa lagu soo waramaya in ay Kuuriyada Waqooyi ay weli ku taamayso horumarinta Gantaaladeeda ridadad Dheere.

Gantaal hor leh ayaa  Dowladda Kuuriyada Waqooyi markale tibaasiya xalay gelinkii dambe kaasi oo dulmaray Dalka Japan islamarkaana la sheegay in uu ku dhacay badda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa ku tilmaamay gantaalkaa la dul mariyey dalkiisa khatar “aan hore loo arag”.

Ciidamada Dowladda Jabaan oo heegan ku jiray ayaan isku dayin in ay soo ridaan Gantaalkaasi, oo Xukuumadda Tokyo ay walaac xoogan ka muujisay.

Waa markii ugu horeysay oo Dalka Jabaan uu si toos ah u dulmaro Gantaal ay soo ridday Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii ay sare u qaaday taijaabada Gantaalada Ridada dheer.

Gantaalkan la riday markii uu dul maray Japan waxa markiiba fariimaha digniinaha ah diray raadaallada dalkaas, hase yeeshee warbaahinta Dowladda Jabaan   ayaa sheegtay in aanu wax khasaare ahi dhicin.

Dowladda Japan iyo qaar ka mid ah wadamada ka soo horjeeda Gantaalada Waqooyi Kuuriya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM in ay kulan deg deg ah ay ka yeeshaan talaabooyinkan ay ku dhaqaaqeyso Xukuumadda Pyongyang.

Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi Japan Mr  Abe ayaa gantaalkan loo ganay xaga dalkiisa ku tilmaamay “fal laga caroodo ” iyo in uu yahay “khatar halis ah oo aan hore u dhicin taas oo dhaawacaysa nabada iyo nabadgelyada gobolka”. Waxaan intaa ku daray in xukuumadiisu qaadayso wax kasta oo ay nolosha shacabka ku ilaalinayso.

Todobaadkii hore ayaa Kuuriyada Waqooyi waxaa ay tijaabisay Gantaalo dhowr ah, balse waxay militariga Mareykanku ay ku sheegeen in ay ahaayeen kuwo aan ridadooda dheereen.

Previous Post

Wasaaradda arrimaha dibadda oo qabatay kulan logu duceynayay Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Baaq u jeediyey Reer Galinsoor balanqaadna u sameeyey (Dhageyso).

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Baaq u jeediyey Reer Galinsoor balanqaadna u sameeyey (Dhageyso).

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In