Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan sagootin ah u sameysay Wasiirkii hore Axmed Macallin Fiqi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan sagootin ah u sameysay Wasiirkii hore Axmed Macallin Fiqi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa xalay xaflad casho ah ku sagootisay Wasiirkii hore, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi. Wasiir Fiqi ayaa banneeyay xilka Wasaaraddaasi kadib isku-shaandhayn kooban oo Golaha Wasiirrada lagu sameeyay 7-dii bisha April, isaga oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Xafladda cashada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi.

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Muddadii labada sano ee Wasiir Fiqi soo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa uu kaalin ballaaran ka qaatay horumarinta howlaha Wasaaraddaasi, si gaar ah federaalaynta, dib u heshiisiinta qaran, dowlad dhiska iyo dowlad wanaagga. Hoggaankiisu waxa kale oo uu horumariyay hindiseyaal ay ka mid yihiin qorshaha xasilinta, soo saarista xeerar iyo shuruuc dowladaha hoose iyo doorashooyinka, iyo casriyaynta dukumintiyada iyo faylasha gudaha oo laga dhigay kuwa “degital” ah. Dadaalkiisu waxa uu fududeeyay wada shaqayn uu la yeeshay Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Faderaalka oo uu gaarsiiyay heer wada-shaqayn oo is-fahan leh.

Wasaaradda ayaa bogaadisay Wasiir Fiqi howlaha uu Qaranka u qabtay, waxa ayna u rajaysay inuu guul uga keeno xilka cusub ee loo igmaday.

Previous Post

Ciidanka Booliiska Ilaalada Xeebaha Soomaaliya oo tababbar ku qaatay Markab dagaal oo laga leeyahay Spain

Next Post

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka oo soo saaartay digniino ku wajahan Barakacyaasha

Next Post
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka oo soo saaartay digniino ku wajahan Barakacyaasha

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka oo soo saaartay digniino ku wajahan Barakacyaasha

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In