Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan soo dhaweyn ah u sameysay odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo Arbacada ka furmaya Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan lagu soo dhaweynayay hannaanka doorashada xalay ugu qabatay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabadan lagu soo dhaweynayay xareynta odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga Farsamada maamul u sameynta Galmudug, Xildhibaanno ka tirsan labada Gola ee dowladda, Golaha Aqalka sare iyo Golaha shacabka, madaxda Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo qeybaha kale ee bulshada.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada iyo Maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa sheegay in waxyaabo badan la soo qabtay, isla markaana Talaadada soo socota ay bilaaban doonto xulista Xildhibaannada kadib marka ay odoyaashu la soo tashadaan cidkasta oo talada kala dhexeyso.

“Odoyaasha dhaqanka maalinta Talaadada soo socota waxa ay bilaabayaan soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug kadib marka ay latashiyo la sameeyaan cidkasta oo talada kala dhexeyso, si looga soo buuxiyo foom oo ay ku keenaan Xildhibaanka ku haboon Ummadda reer Galmudug ee afarta sanno soo socota heynaya xilkaas” ayuu yiri Cabdinaasir.

Ugaas Cabdullaahi Faracadde oo ka mid ah Ugaasyada u joogay howlaha dhismaha Galmudug ayaa sheegay inay  diyaar u yihiin hannaanka lagu dhisayo dowlad Goboleedka Galmudug, ayna u dhabar adeegeen sidii loo heli lahaa Galmudug loo dhanyahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kula dar daarmay odoyaasha dhaqanka in wixii cabasho ah ee ay qabaan u soo gudbiyaan guddiga xalinta khilaafaadka Galmudug.

“Waxaan rabaa inaan idin sheego,Alle waxan rajeynayaa in uu noo fududeeyo, reer Galmudug cabashooyin iyo waxyaabaha jira ula taga guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug’ ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Zambia oo kulamo wadatashi ah la yeeshey safiirada dalalka Sudan iyo South Africa Zambia

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In