Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 hour ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka cusub ee degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Related posts

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026

Wareegto ka soo baxday wasaaradda oo ku taariikheysan 24-ka Maarso 2026 ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo sidoo kale talooyin ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka ee degmada Waajid.

Maamulka cusub ee degmada Waajid ayaa loo magacaabay sidan:

Xasan Cabdi Isaaq (Bootoole) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Jugle) ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaasadda.

Aadan Cali Kulow ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada.

Ayaanle Cabdi Dhuux Yare ayaa loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose.

Wasaaradda ayaa fartay mas’uuliyiinta la magacaabay in ay si degdeg ah ula wareegaan xilalkooda, isla markaana si hufan u maamulaan adeegyada iyo arrimaha bulshada ee degmada.

Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ayaa lagu wargeliyay in ay taageeraan hirgelinta maamulka cusub si loo xaqiijiyo xasillooni iyo horumar ka hirgala degmada Waajid.

Magacaabistan ayaa dhaqan gashay isla marka uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Xil. Cali Yusuf Cali-Xoosh.

Previous Post

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026
0

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku hayso siyaasad diyaarinta...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In