Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha gudaha XfS oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga arrinsanayay Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda arrimaha gudaha XfS oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga arrinsanayay Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa maana kulan wadatshi ah oo la xiriira xeerka Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose ka daahfurtay magaalada Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane Ilyas Cali Xasan, oo kulanka daah furay ayaa ka hadlay sida ay muhiim u tahay in dadka lagaarsiiyo adeegyada, loona meel mariyo adeegyada uu qabanayo machadka dowladaha hoose ee wasaaradda Arrimaha gudaha, kaasi oo waxtar u leh dowlad dhiska, awoodsiinta dadka iyo baahinta maamulka.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

“Waxaana naga go’an in la dardar galiyo sidii lagu dhamaystir lahaa Machadka Dowladaha hoose iyo aqoonta dadka uu kuso kordhinaya” ayuu yiri wasiir Ilyaas.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Saciid Cabdullahi Calasow, oo ka hadlay kulanka wadatashiga ah ayaa sheegay in xeerkan lagu dhaqayo machadka u baahanyahay in laga galo wadatashi iyo in wax badan lagu biiriyo isaga oo intaa raaciyey in wadatshiyada ay sii socon doonaan.

Sidokale  Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug Cumar Guure, oo goobta ka hadlay ayaa xusay in xeerkii lagu maamuli lahaa machadka qaranka uu muhiim u yahay dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Kulana ayaa waxaa ka qayb galay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Heer Federaal ee ay shaqeyntu kala dhaxeyso machadka dowladaha Hoose iyo Hay’addaha Qaramada Midoobe ee taageera Mashruuca ( JPLG).

Previous Post

Golaha Ammaanka QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Next Post

Saldhig Booliis oo laga hirgeliyay Koonfurta G/Mudug

Next Post
Saldhig Booliis oo laga hirgeliyay Koonfurta G/Mudug

Saldhig Booliis oo laga hirgeliyay Koonfurta G/Mudug

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In