Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha gudaha XfS oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga arrinsanayay Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda arrimaha gudaha XfS oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga arrinsanayay Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa maana kulan wadatshi ah oo la xiriira xeerka Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose ka daahfurtay magaalada Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane Ilyas Cali Xasan, oo kulanka daah furay ayaa ka hadlay sida ay muhiim u tahay in dadka lagaarsiiyo adeegyada, loona meel mariyo adeegyada uu qabanayo machadka dowladaha hoose ee wasaaradda Arrimaha gudaha, kaasi oo waxtar u leh dowlad dhiska, awoodsiinta dadka iyo baahinta maamulka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waxaana naga go’an in la dardar galiyo sidii lagu dhamaystir lahaa Machadka Dowladaha hoose iyo aqoonta dadka uu kuso kordhinaya” ayuu yiri wasiir Ilyaas.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Saciid Cabdullahi Calasow, oo ka hadlay kulanka wadatashiga ah ayaa sheegay in xeerkan lagu dhaqayo machadka u baahanyahay in laga galo wadatashi iyo in wax badan lagu biiriyo isaga oo intaa raaciyey in wadatshiyada ay sii socon doonaan.

Sidokale  Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug Cumar Guure, oo goobta ka hadlay ayaa xusay in xeerkii lagu maamuli lahaa machadka qaranka uu muhiim u yahay dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Kulana ayaa waxaa ka qayb galay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Heer Federaal ee ay shaqeyntu kala dhaxeyso machadka dowladaha Hoose iyo Hay’addaha Qaramada Midoobe ee taageera Mashruuca ( JPLG).

Previous Post

Golaha Ammaanka QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Next Post

Saldhig Booliis oo laga hirgeliyay Koonfurta G/Mudug

Next Post
Saldhig Booliis oo laga hirgeliyay Koonfurta G/Mudug

Saldhig Booliis oo laga hirgeliyay Koonfurta G/Mudug

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In