Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda beeraha Soomaaliya oo sheegtay in shan malyan oo Soomaali ah ay xaalad adag ku jiraan xiligaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda beeraha Soomaaliya oo sheegtay in shan malyan oo Soomaali ah ay xaalad adag ku jiraan  xiligaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isagoo la hadlayay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ayuu ka hadlay arimo dhowr ah wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Soomaaliya ahna mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi casiis Saalax Carmaan waxaana ugu horeyn uu hambalyo u diray golaha wakiilada dowlad goboleedka Hirshabeelle oo maalin ka hor codka kalsoonida siiyay golaha wasiiradda maamulkaasi oo uu soo dhisay madaxweyne Cali C/laahi Cosoble.

Wasiir Carmaan waxaa uu sheegay in baarlamaanka Hirshabelle uu qabtay howl wanaagsan isla markaana ay taasi muujineyso hor u socodka maamulka isagoo taageero weyn u muujiyay golayaasha maamulkaasi waxaana uu ugu baaqay maamulka in la qaado talaabooyin loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

August 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

August 1, 2026

Dhanka kale wasiir ku xigeenka waxaa uu ka hadlay xaalada adage e abaarta ka jirta dalka iyo doorka wasaaradda beeraha uga aadan u gurmashada dadka dhibanayaasha ah waxaa uu sheegay in dad gaaraya shan malyan oo reer guuraa u badan ay la il daranyihiin xaalada adage e abaarta isla markaana ay socdaan dadaalo lagu bad baadinayo dadkaasi.

Mr Carmaan ayaa yiri “sida aan dhowr mar ka dhawaajinay Soomaaliya waxaa ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah abaar baahsan ayaa ka jirta dalka dad ka badan shan malyan oo qoos ayaa xaalad adag ku jira waxaa socda oo dowladu hormuud ka tahay dadaalo lagu bad baadinayo dadkaas “.

Previous Post

Munaasabad lagu taageerayay madaxda sare ee dalka oo lagu qabtay Switzerland+Sawirro

Next Post

Xaflad lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyrre oo lagu qabtay Paris+Sawirro

Next Post
Xaflad lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyrre oo lagu qabtay Paris+Sawirro

Xaflad lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyrre oo lagu qabtay Paris+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay xoogagga siyaasadda inay ku tartamaan aragti iyo barnaamijyo siyaasadeed

August 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

Madaxweynaha JFS oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

August 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay adeegsaneyso dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed, iskaashiga caalamiga...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

August 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u daah furay Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa si rasmi ah uga furmay, Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In