Sii hayaha xilka wasiirka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa tacsi tiraanyo leh u diray dadkii maanta ku geeriyooday degmada yaaqshiid ee gobolka bnaadir, isagoo kuwa xanuunsanaya u rajeeyay caafimaad deg deg ah wasaaraduna ay u samaysay gurmad caafimaad.
Cali Maxamuud Cali Xareed sii hayah xilka wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo wareys gaar ah siiyey goor dhow warbaahinta Qaranka ayaa ku tilmaamay dhacdadii maanta ka dhacday degmada yaaqshiid ee gobolka banaadir ismarkaana ay socdaan baritaano lagu ogaanayo sababta dhalisay dhibaatada dadkaasi aadka u faraha badan soo gaartay.
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo isna ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay in baaritaano ay socdaan oo ku aadan waxa keenay dhibaatada soo gaartay dadkaasi ku noolaa Xaafadda Juungal ee gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in sheybaaro Dibadda ah ay ku soo baarayaan biyaha dadkaasi ay cabeen iyo dheecaanada dadkaasi ku sumoobay.