Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas Ku Nool Deegaanno Hoos yimaada Jowhar Oo Deeq Xoolo Nool La Siiyay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda samafalka ee KAASHIF ayaa maanta xoolo nool u qaybisay qoysas dan yar ah oo ku nool tuulooyinka Buulo Sheekh iyo Xaanshooley ee ka tirsan degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dadka ka faa’iideystay xoolo qeybinta ayaa iskugu jiray dad da’ah, haween iyo qoysas sabool ah kuwaasoo ka mid ahaa dadka barakacayaasha ee dhowaan dib ugu soo laabtay deegaanadoodii kadib fatahaado saameyn u yeeshay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xoolaha nool ee loo qeybiyay qoysaskan ayaa waxa ay gaarayeen 500 neef oo ari cad ah iyadoo siiyay qoys walba 5 neef oo ari ah. Qoysaska la gaarsiiyay deeqdan oo gaarayay 100 qoys ayaa qoys walba la siiyay afar nee foo dheddig ah iyo neef   lab ah.

Munasabadii xoolaha lagu qeybinaayay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiye ku xigeennka maamulka gobolka Sh/dhexe Cali Cismaan Ibraahin,maamulka iyo odayaasha tuuloyinka Xaashooley iyo xaafada Buulo Shiiq ee degmada Jowhar iyo shaqaalaha hay’adaha KAASHIF Development Initiatives iyo IOM.

Qoysaska la siiyay xoolahan ayaa waxay ka mid yihiin 400 qoys oo ka faa’idasanaysay mashruucaan oo ay iska kaashanayaa Hay’adaha IOM iyo KAASHIF Development Initiatives iyadoo ay maalgelinayso Dowladda Japan.

Mashruucan ayaa ka kooban xoolo qeybin, abuur iyo qalabka beeraha lagu fasho, dayactir kanaalada waraabka qaab lacag shaqo ku bedelasho ah, maalgelin ganacsi yar yar, iyo tababaro la xiriira ka hortaga iyo maareynta fatahaada.

Dadka maanta xoolaha loo qeybshay ayaa uga mahad celiyey hay’adda iska kaashaday deeqdan iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe.

ari qeybis (1)ari qeybis (2)ari qeybis (3)ari qeybis (4)ari qeybis (5)ari qeybis (6)ari qeybis (7)ari qeybis (8)ari qeybis (9)

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Booqday Dadkii Ku Sumoobay Muqdisho Deeq Lacageedna Gaarsiiyay

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ku Howlan Baaritaanka Biyaha La Sheegay In Dad Ay Ugu Sumoobeen Muqdisho

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ku Howlan Baaritaanka Biyaha La Sheegay In Dad Ay Ugu Sumoobeen Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In