Mas’uuliyiinta ka socota maamulka gobolka Banaadir islamarkaana uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Banaadir Xassan maxamed Xuseen muungaab ayaa booqday dadkii ku sumoobay biyo loo maleynayo in ay cabeen oo lagu daweynayo isbitaalka Carafaad ee degmada yaaqshid .
Dadkani lagu daweynayo isbitaalka carafaad oo isugu jira dad waaweyn iyo caruur ayaa waxaa booqday qeybaha isbitaalka ay dadkaasi ay kaga jiraan mas’uuliyiin uu hogaaminayo guddoomiyaha gobalka ahna duqa magaaladda muqdisho Gen Xassan Maxamed Xuseen Muungaab.Isagoo xaaladda dadkaasi ay ku sugan yahiin wax ka waydiiyay dadkii la joogay islmarkaana gudoonsiiayay deeq lacageed.
Waxaana Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu si dhow ula soconayo xaalada dadkani uuna maamulka bixinayo qarashka ku baxayo daweyntooda.
Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Genaral xassan maxamed xuseen muungaab shir deg deg ah oo looga hadlayo sababaha keenay dhimashada iyo dhaawaca dadkaasi loo maleynayo in ay cabeen biyo sumeysan.
kulankaasi deg dega ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan maamulka gobalka banaadir, xubno ka socday wasaarada caafimaadka hey’adaha ku xeel dheer baarista ceel biyoodka iyo milkiilaha iska leh ceel biyood ku yaala degmada yaaqshiid oo lagu tuhmayo in ay ku samoobeen dad badan
Inta la ogyahay waxaa geeriyootay 10 ruux ku dhawaad halka 100-ruux oo kale ay ku jiraan isbitaalada Muqdisho kuwaa oo ku sumoobay biyo ay cabeen, iydoo ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo wax keenay wax ay ku sumooobeen dadkaasi,Waana markii ugu horeysay oo dad intaa la eg ay ku sumoobaan magaaladda muqdisho .