Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo agab looga hortagayo COVID-19 kala wareegtay Urur Goboleedka IGAD “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo agab looga hortagayo COVID-19 kala wareegtay Urur Goboleedka IGAD “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay maanta kala wareegtay Urur Goboleedka IGAD agab caafimaad oo lagu ilaaliyo bad-qabka shaqsiga (PPE), waxa ayna ka koobnaayeen Af-xir, Gacma-gashi iyo Jeermis dile.

Iyada oo laga duulayo istaraatijyadda Ururka Gobalaadka IGAD ee ku aaddan caabuqa Korona fayraska, waxa uu Urur Goboleedka IGAD Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay agab caafimaad oo uu qiimahiisu gaarayo illaa 175,000.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Drs Maryam Maxamed Aadan (Shaacir) Agaasimaha Caafimaadka iyo Nafaqaynta Urur gobalaadka IGAD ayaa tilmaamtay in agabkan uu wax badan ka tari doono ka hortagga cudurka safmarka ah ee COVID-19.

“Agabka ayaa isugu jira Alkole, agabka af-xirashada, farxalka iyo gacangashiga, kuwaasi oo ay IGAD ugu talagashay bulshada qeybaheeda nugal Sida Barakacyaasha, dan-yarta iyo dadka da’da ah,Tani waxa ay qayb ka tahay dadaallada lagula dagaalamayo Cudurka Korana farayska ee safmarka ah ee dhibaatada xooggan ku haya bulshada Soomaaliyeed “ayay tiri Maryam Shaacir.

Amb Jamal Axmed Ibraahim IGAD ee Magaalada Muqdisho sheegay in agabkan si siman loo wada gaarsii dowladda xubnaha ka ah Urur gobaleedka IGAD, maanta ay wareejinayaan Qaybta Dowladda Soomaaliya ay ka guddoontay Wasiirka Caafimaadka.

“Ka IGAD ahaan, waxaa diyaar u nahay in an qayb ka qaadano dadaallada wax looga qabanayo caabuqan iyo in aan garab istaagno dowladda Soomaaliya, anigoo ka faa’iideysanayo fursadan in ilaah uu ka dulqaado cudurkan Caabuqa Korona farayska, Ugu dambeyn  waxaan u rajeynaynaa ummadda Soomaaliyeed in uu ka dulqaado xanuunkan, kuwa u dhintayna uu Alle u naxariisto, dadka la il-daranna uu ka bogsiiyo Ayuu yari Safiir Jamaal.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DFS Dr Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa tilmaantay in xili loo baahanaa la soo gaarsiiyay Agabkan, islamarkaan ay u mahadcelinayso Urur gobaleedka IGAD, waxa ayna sheegtay in ay boggaadinayso dadaallada wax looga qabanayo caabuqa iyo iskaashiga Geeska Africa ka socda.

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In