Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo agab looga hortagayo COVID-19 kala wareegtay Urur Goboleedka IGAD “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo agab looga hortagayo COVID-19 kala wareegtay Urur Goboleedka IGAD “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay maanta kala wareegtay Urur Goboleedka IGAD agab caafimaad oo lagu ilaaliyo bad-qabka shaqsiga (PPE), waxa ayna ka koobnaayeen Af-xir, Gacma-gashi iyo Jeermis dile.

Iyada oo laga duulayo istaraatijyadda Ururka Gobalaadka IGAD ee ku aaddan caabuqa Korona fayraska, waxa uu Urur Goboleedka IGAD Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay agab caafimaad oo uu qiimahiisu gaarayo illaa 175,000.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Drs Maryam Maxamed Aadan (Shaacir) Agaasimaha Caafimaadka iyo Nafaqaynta Urur gobalaadka IGAD ayaa tilmaamtay in agabkan uu wax badan ka tari doono ka hortagga cudurka safmarka ah ee COVID-19.

“Agabka ayaa isugu jira Alkole, agabka af-xirashada, farxalka iyo gacangashiga, kuwaasi oo ay IGAD ugu talagashay bulshada qeybaheeda nugal Sida Barakacyaasha, dan-yarta iyo dadka da’da ah,Tani waxa ay qayb ka tahay dadaallada lagula dagaalamayo Cudurka Korana farayska ee safmarka ah ee dhibaatada xooggan ku haya bulshada Soomaaliyeed “ayay tiri Maryam Shaacir.

Amb Jamal Axmed Ibraahim IGAD ee Magaalada Muqdisho sheegay in agabkan si siman loo wada gaarsii dowladda xubnaha ka ah Urur gobaleedka IGAD, maanta ay wareejinayaan Qaybta Dowladda Soomaaliya ay ka guddoontay Wasiirka Caafimaadka.

“Ka IGAD ahaan, waxaa diyaar u nahay in an qayb ka qaadano dadaallada wax looga qabanayo caabuqan iyo in aan garab istaagno dowladda Soomaaliya, anigoo ka faa’iideysanayo fursadan in ilaah uu ka dulqaado cudurkan Caabuqa Korona farayska, Ugu dambeyn  waxaan u rajeynaynaa ummadda Soomaaliyeed in uu ka dulqaado xanuunkan, kuwa u dhintayna uu Alle u naxariisto, dadka la il-daranna uu ka bogsiiyo Ayuu yari Safiir Jamaal.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DFS Dr Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa tilmaantay in xili loo baahanaa la soo gaarsiiyay Agabkan, islamarkaan ay u mahadcelinayso Urur gobaleedka IGAD, waxa ayna sheegtay in ay boggaadinayso dadaallada wax looga qabanayo caabuqa iyo iskaashiga Geeska Africa ka socda.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka “SAWIRRO”

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In