Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay shirka isku xirka dabar goynta cudurka dabeysha, iyadoo ay ku wehlinayeen shirkaaas Hey’addaha ka caawiyo dabargoynta cudurka Dabaysha sida Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Hey’adda Carruurta ( UNICEF) iyo Lataliyaal Sare oo ka tirsan waaxda tallaalka.
Ujeedka shirka ayaa waxa uu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa loona xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga Wasaaradda Caafimaadka iyo Hey’addaha ka shaqeeya joojinta iyo ciribtirka cudurka dabeysha, Sidoo kale waxaa shirkan looga hadlay sidii loo ciribtiri lahaa cudurka dabaysha, iyadoo loo marayo ka tallaalida carruurta cudur ka dabeysha iyo in la joogteeyo ololaha tallaalka ee lagu ciribtirayo cudurka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bsulshadda, waxaa ka go’an kor u qaadista adeegga Caafimaadka iyo xoojinta olalaha tallaalka ee cudur ka dabeysha kaasoo ah ahmiyada ugu weyn ee so afjarista cudurkan.