Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay Istaraatiijiyada Nafaqada Qaranka 2020-2025 ”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay Istaraatiijiyada Nafaqada Qaranka 2020-2025 ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Istaraatiijiyada Nafaqada Qaranka 2020-2025 (Somali Nutrition Strategy 2020-2025) taasi oo lagu qabatay Hotel Jazeera, Istaratiijiyadda ayaa taabanaysa himilooyinka ay Soomaaliya hiigsanayso ee wanaajinta heerarka nafaqada dhamaan bulshada Soomaaliyeed wadanka si loo yareeyo, loogana hortago dhimashada laxairiirta nafaqadarada ee Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay khubaro iyo madax ka socotay Hay’addaha Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Caafimaadka  ee  Dowlad Gobaleedyada, Hay’adaha Samafalka iyo bahda Gacsiga.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Sii Hayaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka  Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ka hadashay muhimadda Istaraatiijiyada waxaana khudbadeedii ka mid ahaa:

“Marka aan si wanaagsan u maalgashano habka nafaqada, waxaan maalgashanay, mustaqbalka carruurteena, waxaana rumeysanahay in istiraatiijiyadda nafaqada dalka in ay ka tarjumeeyso sida Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay uga go’antahay ilaalinta caafimaadka nafaqada carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed, anigoo. ku hadlaya magaca Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliay iyo guud ahaan Dowlada Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa in aan ku booriyo dhamaan, hay’adaha Dowladda Federaalka,  Maamul Goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, Hay’adaha Maxaliga, Shirkadaha Gaarka loo leeyahay iyo kuwa Waxbarashada in ay u adeegsadaan istiraatiijiyadda dhamaan barnaamijyada iyo mashaariicda nafaqada dalka iyo barnaamijyada gargaarka nafaqada dalka”

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post

FIFA oo garoon caalami ah u aqoonsatay Garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho

Next Post
FIFA oo garoon caalami ah u aqoonsatay Garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho

FIFA oo garoon caalami ah u aqoonsatay Garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In