Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay Sheybaarada laga heli karo adeegyada Baaritaanka Caabuqa COVID 19.
1 January 2022
Wasaaradda Cafimaadka Iyo Daryelka Bulshada Waxay mas’uul katahay Ilaalinta Iyo Bixinta Shahaadada baarista COVID-19 ee lasinayo Dadka ka dhoofayo Dalka. Wasaaradda Caafimaadka waxay halkaan hoose ku cadeynaysaa shaybaarada haysta ogolaanshiyaha shaqo ee baarista Xanuunka COVID-19, sheybaaradaas oo ah kuwa buuxiyay shuruudahii Wasaaradda ay u dajisay tayada baarista ee xanuunksa COVID-19.
Hadaba waxaa lagu wargalinayaa dadka ubaahan baarista COVID-19 si ay u safraan in ay adeegyada baarista ka qaadankaraan oo kaliya goobaha iyo xarumaha sheybaarada ay Wasaaraddu siiay ogolaanshada oo uu adeegi doono bushada lacag dhan $ 30 dollar sida lagu cadeeyay heshiiska adeeg bixinta ee labada dhinac.
F.G: Isbitaallada Dowladda waxay baarista COVID-19 u samayn doonaan oo kaliya dadka xanuunsanaya ama ay Dhakhaatiirtu uga shakiyeen inuu qabo xanuunka, balse ahayn ujeedo baris safar ee COVID-19, halka dadka safraya lagu baarayo xarumaha sheybaarada ay Wasaaraddu siiay ogolaanshada.