Thursday, August 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Maxamed Xasan Waloore oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Maxamed Xasan Waloore oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Xasan Waloore ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada ku xeeran, kaasi oo lagu xoojinayay Nabadgelyada.

Mudane Maxamed Xasan Waloore oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falalka amni darrada ah iyo kuwa kale oo ku howlanaa waxyaabaha maanka dooriya, kuwaasi oo qaarkood lala soo qabtay hubkii ay wateen, halka kuwa kalena ay hubka ka carareen.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xusay in dagaalka lagula jiro waxyaabaha maanka dooriya uu la midyahay midka lagula dagaalamayo argagixisada Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in qaarkood maanta Maxkamadda darajada koowaad ee Puntland ay xukuno kala duwan ku diray.

“Hubka waxa uu ka koobnaa 17 qori oo AK47, 2 qori Faal ah iyo qori Baasuuke ah, qoriga loo yaqaan Baroon 50-tiga ah, iyo labo F1 oo ah midna ay tahay midda qaraxda, mida kalena ay tahay tan Qiiqa ah, Qori Nuuca loo yaqaan Kaarabiinka ah iyo booshashkii ay wateen, hubkana waxa uu ahaa mid habeenkii dadka lagu dhibaateyn jiray” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Mudug ee Puntland.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo war ka soo saartay Sheybaarada laga heli karo baarista COVID-19

Next Post

Ciidamada ammaanka oo fashiliyey gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa

Next Post
Ciidamada ammaanka oo fashiliyey gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa

Ciidamada ammaanka oo fashiliyey gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In