Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaacisay Mabaad’iida Iskaashiga iyo Mideynta howlaha Caafimaadka dalka kadib markii ay kulan kula qaateen Nairobi Wakiilo ka socday Safaaradaha dalalka Deeqda ku bixiya Caafimasdka Soomaaliya
Munaasabaddan lagu shaacinayay hannaanka midaynta maal-galinta midaysan ee nidaamka caafimaadka dalkeena oo ay ka qeybgaleen wafdi uu hoggaaminayoAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay qeyb ka ahaayeen Agaasimeyaaasha Guud ee Wasaaradaha Caafimaadka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyo wakiilada beesha Caalamka ee deeqda ku bixiya Caafimaadka Soomaaliya.
Hanaankan ayaa ah mid Wasaaradda Caafimaadku ugu talagashay in si hufan loo mideeyo taageeradda gudaha iyo mida dibada ee nidaamka caafimaadka dalka.
Qaar ka mid ah Wakiilada ka socday Safaaradaha dalalka Deeqda ku bixiya Caafimasdka ee kala ah Swedened, Seizerland Bsnkiga Adduunka, UK iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa si wada jir ah u tilmaamay in Soomaaliya ah ku talaabsatay horumar dhanka caafimaadka.
Dr Guuleed Cabdijaliil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in qorshahan muddo laga soo shaqeynayay, haatana uu meel wanaagsan gaaray.
Qodaba hanaankani waxay kala yihiin:
Ø In la xoojiyo hanaanka hogaamineed ee dawliga ah
Ø In la taageero samaynta hal qorshe-qaran oo uu yeesho nidaamka caafimaadku , kaas oo ay sal u yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo kan caafimaadka dalka.
Ø Taageeridda iyo xoojinta hanaan suurta galiya isku xirka is waafajinta maalgalinta gudaha iyo mida dibadda ee nidaamka caafimaadka dalka.
Ø Xoojinta nidaamka kor joogtaynta ee warbixinda hawlaha caafimaadka.
Ø In la mideeyo hanaanka dhaqaale ee nidaamka caafimaadka.
Ø In la sameeyo gudi hoosaadyo farsamo oo kor usii qaada isku xirka qaybaha adeegyada caafimaadka, wanaajiyana habsami u socodka shaqo ee nidaamka caafimaadka dalka.