Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay Mabaad’iida Iskaashiga iyo Mideynta howlaha Caafimaadka dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay Mabaad’iida Iskaashiga iyo Mideynta howlaha Caafimaadka dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaacisay Mabaad’iida Iskaashiga iyo Mideynta howlaha Caafimaadka dalka kadib markii ay kulan kula qaateen Nairobi Wakiilo ka socday Safaaradaha dalalka Deeqda ku bixiya Caafimasdka Soomaaliya

Munaasabaddan lagu shaacinayay hannaanka midaynta maal-galinta midaysan ee nidaamka caafimaadka dalkeena oo  ay ka qeybgaleen wafdi uu hoggaaminayoAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay qeyb ka ahaayeen Agaasimeyaaasha Guud ee Wasaaradaha Caafimaadka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyo wakiilada beesha Caalamka ee deeqda ku bixiya Caafimaadka Soomaaliya.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Hanaankan ayaa ah mid Wasaaradda Caafimaadku ugu talagashay in  si hufan  loo mideeyo taageeradda gudaha iyo mida dibada ee nidaamka caafimaadka dalka.

Qaar ka mid ah Wakiilada ka socday Safaaradaha dalalka Deeqda ku bixiya Caafimasdka ee kala ah Swedened, Seizerland Bsnkiga Adduunka, UK iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa si wada jir ah u tilmaamay in Soomaaliya ah ku talaabsatay horumar dhanka caafimaadka.

Dr Guuleed Cabdijaliil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in qorshahan muddo laga soo shaqeynayay, haatana uu meel wanaagsan gaaray.

Qodaba hanaankani waxay kala yihiin:

Ø  In la xoojiyo hanaanka hogaamineed ee dawliga ah

Ø  In la  taageero samaynta  hal qorshe-qaran oo uu yeesho nidaamka caafimaadku , kaas oo ay  sal u yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo kan caafimaadka dalka.

Ø  Taageeridda iyo xoojinta hanaan suurta galiya isku xirka is waafajinta maalgalinta gudaha iyo mida dibadda ee nidaamka caafimaadka dalka.

Ø Xoojinta nidaamka kor joogtaynta ee warbixinda hawlaha caafimaadka.

Ø In la mideeyo hanaanka dhaqaale ee nidaamka caafimaadka.

Ø  In la sameeyo gudi hoosaadyo farsamo oo kor usii qaada isku xirka qaybaha adeegyada caafimaadka, wanaajiyana habsami u socodka shaqo ee nidaamka caafimaadka dalka.

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo shacabka

Next Post

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka “SAWIRRO”

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka "SAWIRRO"

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In