Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shirka sharciga Saadaasha Hawada ka furtay Nairobi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Wasaaradda Deegaanka XFS oo shirka sharciga Saadaasha Hawada ka furtay Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wiasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddelka Cimillada Soomaaliya, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Xuseen Xaaji Cali ayaa maanta magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, ka daahfuray kulan aqoon Isweydaarsi oo muddo afar maalmood ah socon doona.

Kulanka ayaa loo qabtay Guddiga Khayraadka Dabiiciga iyo Deegaanka ee Gollaha Shacabka BJFS, waxaana soo agaasintay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’adda Saadaasha Cimillada Adduunka ee (WMO), waxaana ka qeybgalay Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Dabiiciga iyo Deegaanka, Ku-xigeenka Guddiga, Xoghyaha guud iyo Xildhibaanada Gollaha Shacabka, Safiirka Soomaaliya dalka Kenya, Wakiilka Soomaaliya WMO Dr Guuled Cabdulqaadir Cartan, Madaxda Hay’adda Saadaasha Cimillada Adduunka (WMO) ee Geeska iyo Koonfurta Afrika, iyo qubarada Wasaaradda oo uu hormuud u yahay Agaasimaha Guud.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025

Sharciga Saadaasha Hawada iyo Cimilladda oo soo bilowday sanadkii 2022-kii, isla markaana ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada XFS sanadkii 2023-ii ayaa looga gol-leeyahay sidii wax badan looga fahmi lahaa muhiimadda uu u leeyahay dalkeena, iyada oo ay gacan weyn ka geesteen hirgalinta sharcigan ha’adda saadaasha adduunka isla markaana Guddiga Golaha Shacabka looga fadhiyo meelmarinta sharcigan oo saldhig u ah dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Cimilada.

Qubarro ku xeeldheer sharuucda iyo qaab-dhismeedka loo unki karo Hay’adda Saadaasha Hawada Iyo Cimillada Soomaaliya ayaa soo bandhigay dalalka soo maray marxaladda hada aan taaganahay iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa muhiimada sharcigan u leeyahay dalkeenna, si uu u yeesho hay’ad mideeysan oo bixisa adeegga cimilada oo saldhig u ah saadaasha hawada iyo u adkeysiga isbadallka Cimilada.

Kullanka ayaa ah mid loogu gogal xaarayo dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Cimillada si dib-u-eegis lagu sameeyo sharciga hay’adda oo muhiim u ah dalkeenna, Guddigana ay turxaan bixiyaan howlaha muhiimka ah ee horyaala.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyay madaxda Wasaaradda Deegaanka XFS iyo Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ee Golaha Shacabka BJFS sida ay waqtiga u gelinayaan sameynta sharciga Saadaasha Hawada.

Guddoomiyaha Guddiga Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamadiid ayaa xusay in sameynta sharciga Saadaasha Hawada uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dalkeenna, ayna ka go’antahay meel marinta sharuucda hortebinta u leh Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo si rasmi ah u furay shirka ayaa xusay in ujeedka siminaarkan uu yahay in sharcigan oo aan horey Soomaaliya u yeelan in si wada jir ah looga doodo, ka hor inta aan la geynin Golaha Shacabka.

“Siminaarkan waxa aan ugu talagalnay inay fursad u helaan Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ee Golaha Shacabka BJFS iyo quburada Wasaaradda ka doodista sharuucda nuucaani oo kale ah oo ahmiyad u leh dalkeenna”. Ayuu yiri Wasiirka Deegaanka.

 

Previous Post

Guddiga Gurmadka Qaran oo Shir Ka Yeeshay Xoojinta Gurmadka iyo Diyaar-garowga Musiibooyinka

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BRAZIL):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee...

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(UGANDA):- 498 Sarkaal oo 48 ka mid ah ay yihiin Saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa maanta...

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In