Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa shaacisay waqtiga ay furmayaan ciyaaraha Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Kulan ay dhawaan isugu yimaadeen Magaalada Muqdisho dhammaan Gudoomiyayaasha Xiriirada Kubada cagta dalka ,Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS iyo Wasiirada wasaaraddaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Maamul goboleedyada ayaa lagu go’aamiyay taariikhda uu bilaaban doono Tartanka Ciyaaraha kubada cagta Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaasoo lagu beegay Maalin Jimco ah Tariikhdu tahay 08-09-2023.
inta laga gaarayo waqtigaas waxaa la faray Ciyaartooyda iyo Maamullada ka qayb geli doona tartankaas in ay sii diyaar garoobaan.