Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Tababar u soo xirtay Hoggaanka Taliska iyo Hoolwadeenada Wasaaradda “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gaashaandhigga oo Tababar u soo xirtay Hoggaanka Taliska iyo Hoolwadeenada Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdifataax Qaasim ayaa tababar ku saabsan illaalinta Xuquuqul Insaanka u soo gabagabeeyay Saraakiil ka tirsan Hoggaanka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hoolwadeenno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Tababarkan oo Muddo Afar maalin ah Socday ayaa waxaa soo Agaasimay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan waaxda Xuquuqul Insaanka iyo ka hortagga Askareynta Carruurta ,Waxaana gabagabada tababarka goob-joog ka ahaa Saraakiil ka Socotay Midowga Yurub oo uu qeybka ahaa Taliyaha Howlgaladda Midowga Yurub ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Saciid Samatar (Gacaliye) iyo Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kula dar-daarmay Saraakiisha iyo Howlwadeenada tababarka ka qeybgalay in ay dhaqan galiyaan Casharadii ay barteen mudadii uu socday tababarka.

Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo soo xiray tababarka ayaa goobta ka Sheegay in Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka go’antahay tayeynta iyo Sare u qaadidda Xirfadda Shaqaalaha Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in midowga Yurub ee Saaxiibadda Caalamka ee taageera Soomaaliya ka codsaday joogteynta Tababarada ku aaddan baahiyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka  iyo Wasaaradda Gaashandhigga .

Ugu dambeybtii Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa la Guddoonsiiyay xubnihii ka qeybgalay Shashaadooyin la xiriira Aqoontii ay kororsadeen Mudadii Tababarka Socday.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

Next Post

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo qabatay kulan ku saabsan xoojinta wada shaqeynta guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha gudaha oo qabatay kulan ku saabsan xoojinta wada shaqeynta guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo qabatay kulan ku saabsan xoojinta wada shaqeynta guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha “SAWIRRO”

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In