Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo Imtixaan u furtay wakiilada Ganacsiga Dalka.

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo Imtixaan u furtay wakiilada Ganacsiga Dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wareysiga lagu qiimeynayo tayada wakiilada ganacsiga ee Soomaaliya u dirsan doonto dalalka caalamka ee xiriirka ganacsi ay la leedahay ayaa maanta waxaa uu ka furmay Magaalada Muqdisho waxaana Imtixaanka oo maalmo soco doona furay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dalka mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye .

Wasiir Maareeye ayaa u sheegay ka qayb galayaasha Imtixaanka qiimeeynta ah in ay dowladda Soomaaliya ka go’antahay xoojinta xiriirka diplumacy iyo ganacsi ay la leedahay dalalka caalamka ujeedkuna yahay in ganacsatada Soomaaliyeed ganacsigooda la hormariyo wakiilada qiimeyntaan ku soo baxaa ayaana door weyn ka qaadan doona arintaas.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026
Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

August 4, 2026

“Markii aan anigu imid wasaaradda waxaan bilaabay inaan qiimeeyo dalalka aan la leenahay xiriirka ganacsi iyo wakiilada noogu qoran waxaan ogaaday in ay wakiiladu badan yihiin shaqana aysan qaban oo aysan qaban howshii loo idmaday waxaan go,aansanay in aan imtixaan qaadno oo aan dardar galino arintaas maanta ayaana loo fadhiyaa waxaana ka shaqeyn doonaa inuu qaab cadaalad ah u dhaco ” ayuu yiri wasiir maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa sheegay in markii wasaaradu qiimeysay sababta wakiiladii hore qaar badan oo ka mid ah ay u gudan waayeen waajibkii loo idmaday ay soo baxday cabasho badan oo u baahan in wasaaraddaha  arrimaha dibadda iyo ganacsigu iska kaashadaan arintaana ay si dhaqso ula falgalin doonaan.

“Cabshada ugu badan ee na soo gaartay sidii howshaan aan u guda galnay ayaa ah in wax badan oo caqabado ah ay ka jiraan dhanka wada shaqeynta safiirka dalkaas jooga iyo wakiilka ganacsiga ee la diray taas waxaan rabnaa in aan la kaashano wasaaradda Arrimaha dibadda oo aan wax ka wada qabano” ayuu yiri Maareeye.

Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dalka ayaa dadaal xoogan ugu jirtay hormarinta ganacsiga dalka iyo sidii ganacsatada dalku aduunka ugu iib geyn lahaayeen wax soo saarka dalka iyadoo dowladda dhexe ay ka caawineyso sida hugaanka sare ee wasaaradu xaqiijiyay.

Previous Post

Mareykanka oo beeniyay in Gudaha Soomaaliya looga dilay Askari

Next Post

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada shaqada Ururka Iskaashiga Islaamka    

Next Post
Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada shaqada Ururka Iskaashiga Islaamka    

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada shaqada Ururka Iskaashiga Islaamka    

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay Mudane George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

August 4, 2026
0

Muqdisho ayaa goordhow martigelin doonta Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan mas'uuliyiin ka tirsan...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In