Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo Go’aan ka soo saartay dhismaha rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo Go’aan ka soo saartay dhismaha rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo nuqul kamid ah ay heshey Radio Muqdisho ayaa lagu shaaciyay go’aano ay Wasaaraddu ay ka soo saartay dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan.

*Markii aan arkay sharci No.22 Taariikh 2 Nov.1985

Markii aan arkay qodobka 10aad farqadiisa 4aad ee xil haynta mudada maamulka Rugta.

*Markii aan arkay qodobka 17aad farqadiisa 3aad ee qeexaya hadii dood dood ka timaado sharcinimada doorashada xubnaha guddiga Rugta.

*Markii aan arkay qodobka 20aad farqadiisa 3aad oo sheegay waxaa lagu maareynayaa muranka shaqaalaha Ruhta oo ah xeer uu soo saaro Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

1: Laga Bilaabo maalinta uu saxiixo Wasiirku xeerkan waxaa la baabi’iyay lana burburiyay jiritaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Iyadoo la cuskanayo sharciyada kor  ku xusan.

2: Laga bilaabo maalinta uu saxiixo wasiirka wareegtadan, waxaa la joojiyay cidkasta oo la soo xiriiri jirtay ama ay la macaamili lahayd Rugtii Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee shaqada laga joojiyay gudaha iyo dibadda.

3:Sida Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha maamul Goboleedyada iyo kuwa Caalamka,Wasaaraddu waxay cayimi doontaa waqtiga la qabanayo doorashada maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed,marka ay la tashato Ganacsatada Soomaaliyeed, rugaha maamul Goboleedyada iyo madaxda ay khuseyso.

4:Laga bilaabo waqtiga wareegtadan la saxiixo majirto shakhsi ama hay’ad sharci  u haysta in uu ku hadlo magaca Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

5:Dhamaan Rugaha ganacsi iyo Warshadaha maamul Goboleedyada dalka waxay toos ula soo xiriirayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed inta laga dhisayo rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

6:Sidoo kale waxaa lagu wargelinayaa labadii dhinac ee isku hayay maamulka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Gobolka Banaadir in doorasho xor iyo xalaal ah lagu qaban doono caasimadda Muqdisho muddo bil gudeheeda,iyadoo dhamaan ganacsatada iyo dhamaan ganacsatada Gobolka Banadir uu u furan yahay ka soo qeyb galka doorashada.

7:Qaabka doorashada iyo maalinta ay dhacayso doorashada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Gobolka Banaadir Wasaaradda ayaa dib ka soo saari doonta.

8: Ugu dambeyn, SharciNo.22 kuna Taarikheysan 2 Nov.1985 kuna kana hadlaya dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha,Beeraha,Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Farshaxanka, waxaa lagu dhaqmayaa inta laga soo dooranayo madaxda rugta  cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed qodobka 38aad farqadiisa 1aad oo qeexaya  hogaamin ku meel gaar ah oo rugtu yeelato,iyadoo la raacinaayofaqradaha 2aad, 3aad iyo 4aad ee qodobka kor ku xusan marka ay soo dhameystirmaan.

Wadshaqeyn wacan

Khadra Axmed Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadah

Previous Post

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo maanta la kulmay dhigiisa Dalka Masar(Sawirro)

Next Post

R/Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed

Next Post
R/Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed

R/Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In