Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga oo ka shirtay dardargelinta qorshaha hortebinta u leh Wasaaradda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga oo ka shirtay dardargelinta qorshaha hortebinta u leh Wasaaradda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maanta guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda, ayaa waxa looga hadlay qorsheyaasha horyaala Wasaaradda,  xoojinta isla-xisaabtanka iyo weli ba siddii loo fulin lahaa balan-qaadkii wax-qabad ee dhawaan Wasiirku la galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Mudane Xamse Cabdi Barre.

Shirka oo sidoo kale ay Wasiirka ku wehlinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalam Sharif Xuseen iyo Wasiir ku xigeenka  Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), ayaa si kor looggu qaado isla-xisaabtanka loona xaqiijiyo fulinta balanqaadkii Ra’iisal Wasaaraha, waxa uu Wasiirku fulinta balanqaadkaas la saxiixday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Saney Dalmar si hawlaha shaqo ee hor-tebinta leh looggu sameeyo kor-joogtayn, daba-gal iyo isla-xisaabtan dhab ah kaas oo Agaasimaha Guud na uu Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ku daba-geli doono fulinta balan-qaadka 2023 ee Wax-qabadka Wasaaradda.

Related posts

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026

Wasiirka Wasaaradda Xildhibbaan Jibriil Cabdirashiid oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa Agaasimeyaasha Wasaaradda kula dardaarmay siddii looga soo bixi lahaa mas’uuliyadda shaqo ee hortaala Wasaaradda isla-mar-ahaantaana la la yimaado dedaal dheeri ah oo lagu xaqiijinaayo fulinta balan-qaadkaas, isaga oo carabka ku adkeeyey in cid kasta lagu la xisaabtami doono hawlaha shaqo ee horyaala ee la doonayo in lagu qabto sanadkan cusub gudahiisa ee 2023.

Balan-qaadkan Wax-qabad, ayaa ku salaysan Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo weli ba sidoo kale siyaasadda Xukuumadda  DAN-QARAN ee Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana ay taabanaysaa dhammeystirka heshiisyada ganacsi, xeerarka, siyaasadaha fududeynaya sidoo kale na horumarinaya ganacsiga, unkidda jawiga Maal-gashiga, soo noolaynta Warshadaha, Warshadeynta iyo Wax-soo-saarka dalka iyo weli ba sidoo kale horumarinta Tayo-dhowrka dalka si wax loogga qabto badeecadaha tayadoodu liidato ee loo soo dhoofiyo Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post

Duqa Muqdisho oo kormeeray Taliska ciidanka Ilaalinta deegaanka Xamar

Next Post
Duqa Muqdisho oo kormeeray Taliska ciidanka Ilaalinta deegaanka Xamar

Duqa Muqdisho oo kormeeray Taliska ciidanka Ilaalinta deegaanka Xamar

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Soomaaliya oo u hambalyeeysay Maalinta Qaranka Brunei

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diirran u diraysaa Boqor Hassanal Bolkiah, Dowladda iyo shacabka Brunei Darussalam munaasabadda Maalintooda Qaranka. Soomaaliya...

Somalia Congratulates Brunei on National Day

Somalia Congratulates Brunei on National Day

February 23, 2026
0

The Federal Republic of Somalia extends its warmest congratulations to His Majesty Sultan Haji Hassanal Bolkiah, the Government, and the...

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In