Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Howlaha guud XFS iyo UN-Habitat oo yeeshay kulan looga hadlayay qorshaha magaalooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Wasaaradda Howlaha guud XFS iyo UN-Habitat oo yeeshay kulan looga hadlayay qorshaha magaalooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku qabatay hoolka Wasaaradda kulan heer sare ah oo ay la yeelatay madax ka socday Hay’adda UN-Habitat. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud Xayd, waxaana ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray qodobadan muhiimka ah.

Related posts

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

February 3, 2026
Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

February 3, 2026

Diyaargarowga Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka (World Urban Forum – WUF 13), oo lagu wado in ay qabsoonto bisha May, Jamhuuriyadda Azerbaijan.

* Warbixin ku saabsan mashaariicda socda, gaar ahaan kuwa la xiriira Saamaynta, IDSF, iyo Dowlad-Kaab.

Ka-wadahadal ku saabsan wax-ka-beddelka Heshiiska Iskaashiga ee u dhexeeya Wasaaradda iyo UN-Habitat, oo ay ku jirto arrinta Corridor-ka.

Madaxa Xafiiska UN-Habitat ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay hawlaha ay hay’addu waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

* Guryaha loo dhisay dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla Boosaaso iyo Baydhabo.

* Siyaasadda Guriyeynta Qaranka.

* Siyaasadda Maareynta Dhulka ee magaalooyinka Boosaaso iyo Baydhabo.

* Diyaarinta mashaariic lagu horumarinayo magaalaynta iyo taageerada barakacayaasha (IDPs), kuwaas oo qaar ka mid ah la ansixiyay, halka kuwo kalena weli la diyaarinayo.

Kulankan ayaa xoojiyay iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda iyo UN-Habitat, iyadoo la isla qaatay in la dardargeliyo qorsheynta magaalooyinka, lana horumariyo xalal waara oo wax ka qabta baahiyaha barakacayaasha iyo horumarinta degsiimooyinka.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

February 3, 2026
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa toogasho lagu fuliyey Hodan Maxamuud Diiriye oo  Maxkamad ku taalla Puntland ay dil toogasho ah horay...

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

February 3, 2026
0

Duqeyn culus ayaa saacadihii dambe ee xalay lagu beegsaday Khawaari muddooyinkii dambe godad ka qodanayay deegaanka Geedi-xeyr oo Waqooyi kaga...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In