Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 weeks ago
in Wararka
0
Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa maanta shir heer sare ah kaga qaybgalay Hotel Palm ee magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta wajiga hore ee dhismaha Garoonka Cusub ee “New Muqdisho”, oo ah mashruuc istiraatiiji ah oo muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha duulista hawada dalka.

Mashruucan, oo maalgeliya Bangiga Adduunka (World Bank), kana mid ah barnaamijka SHIIP ee hoos yimaada Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa ujeedkiisu yahay casriyeynta adeegyada garoomada iyo horumarinta nidaamka duulista hawada ee Soomaaliya.

Related posts

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026

Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka socday Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Arrimaha Dibadda, Batroolka, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Amniga Gudaha, Hawlaha Guud, Bankiga Dhexe ee Midowga Bankiyada Soomaaliya iyo sidoo kale wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, UNOPS, WFP iyo NMDC. Waxaa sidoo kale shirka joogay khubaro farsamo iyo hay’ado kale oo door muhiim ah ku leh hirgelinta mashruuca.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd xoojinta isku-duwidda howlaha bilowga ah, dib-u-eegis lagu sameeyo qorshayaasha farsamo, iyo hubinta in mashruucu si rasmi ah u galo marxaladda fulinta, iyadoo la raacayo jadwal cad iyo hannaan hufan.

Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta kaabeyaasha duulista hawada, kor u qaadista tayada adeegyada garoomada, iyo fududeynta isu-socodka rakaabka iyo ganacsiga. Sidoo kale, waxaa lagu nuuxnuuxsaday in mashruuca loo fuliyo si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee badqabka, tayada iyo hufnaanta.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS ayaa mar kale caddeysay go’aankeeda adag ee ku aaddan hirgelinta guuleed ee Garoonka Cusub ee Muqdisho, si uu u noqdo kaabayaal casri ah oo daboola baahiyaha dalka, isla markaana la jaanqaada heerarka duulista caalamiga ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Switzerland

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In