Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hay’adda Mercy Corps, kuwaas oo booqasho shaqo ku joogay dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Abaaraha, cubto-yarida iyo amniga iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashi wax ku ool ah oo ka jawaaba baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ka jira.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Mercy Corps ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan abaaraha soo noq-noqday ee saameeya nolosha xoola-dhaqatada iyo beeraleyda .

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku boorriyey hay’adda inay sii xoojiso taageerada ku wajahan diyaar-garowga iyo ka hortagga abaaraha, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo maalgelin dheeraad ah iyo qorsheyaal waara oo lagu kobcinayo hab-nololeedka bulshada, laguna ballaarinayo adeegyada maaliyadeed ee loo fidinayo qeybaha wax-soo-saarka sida xoolaha, beeraha, biyaha iyo tamarta.

Previous Post

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

Next Post

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo maanta lagu qabaayo Muqdisho

Next Post
Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo maanta lagu qabaayo Muqdisho

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo maanta lagu qabaayo Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In