Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Kalluumeysiga oo war-murtiyeed kasoo saartay shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Kalluumeysiga oo war-murtiyeed kasoo saartay shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda federaalka ayaa shir wada tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho 6dii – 7dii Bisha November ee 2023, kaas oo ahaa mid lagu dhisayo Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray Dhismaha Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga sida uu qabo sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya 2023, xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda suuqgeynta kalluunka iyo la dagaallanka Kalluumeysiga shrci darrad.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobo wax ku ool ah kuwaas oo hoga tusaaleynta hanaanka ugu wanaagsan ee lagu maareyn karo islamarkaana lagu horumarin karo howlaha la xiriira Kalluumeysiga ee Dhammaan dalka.

  1. Goluhu waxa uu isla qaatay ahmiyadda iyo muhiimadda uu lee yahay dhismaha iyo howlgelinta Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.
  2. Goluhu wuxuu isla qaatay in dowlad goboleed walba uu soo magacaabo xubin kamid noqon doonta kooxda xoghaynta golaha muddo 15 cisho ah, waxaana lagu ballamay in kulanka xiga ee golaha uu dhici doono bisha January ee sannadka 2024, iyadoo shirkaas lagu bandhigi doono xeerarka iyo habraacyada golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.
  3. Goluhu wuuu isla qaatay in la xoojiyo dhaqangainta, Isku xirka, ka wadatashiga waajibaadka lagu sheegay sharciga Kalluumeysiga gaar ahaan arimaha la xiriira wadashaqeyn, Maamul, Macluumaad, Cilmi-baaris iyo ilaalinta deegaanka Kalluumeysiga iyo noola biyoodka iyo deegaankooda.
  4. Goluhu wuxuu isla qaatay sida ku cad sharciga Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed ee law 008, in la soo saaro hab-raacyo tilmaamaya wadashaqeynta isla markaana xoojinaya xiriirka, si ay u sahlanaato socodsiinta howlaha golaha iyo Go’aan qaadashadiisa.
  5. Goluhu wuxuu isla qaatay in la sameeyo daraasado iyo cilmi baarisyo ku saabsan kheyraadka la ugaarso ee muhiimka ah sida Aargosatada iyo Qubada dhammaan dalka si loo dajiyo qorshe maareyn oo lagu daryeelaayo kheyraadkaas halista ugu jira dabargo’a, waxaana la soo jeediyey in mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Develoment (SSFD) uu fuliyo howshaan.
  6. Goluhu wuxuu isla qaatay in wadatashi lagala sameeyo wasaaradaha xubnaha dowladda Federaalka xeerhoosaadyada quseeya sharciga Horumarinta Kalluumeysiga ka hor inta uusan soosaarin Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga ee heer federaal.

7.Golohu wuxuu islaqaatay in safar cilmi korors ah oo la xiriira maamulka iyo horumarinta Kalluumeysiga loo aado Indonesia iyo Tanzania wadamada heysta nadaamka federaalka ee horumarka ka sameeyey Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda iyo Maareyntiisa.

  1. Goluhu wuxuu farayaa agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Kallumeysiga ee heer federaal iyo heer dowlaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka (technical working group) in ay si farsama ah uga soo shaqeeyaan howlaha la xiriira mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Development (SSFD) iyaga oo si dhow ula shaqeynaya xafiiska maamulka mashruuca ee ka tirsan Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee heer Federaal.
  2. Golahu wuxuu go’aan ku gaaray in la sameeyo qorshe qaran oo looga hortagaayo Kalluumeysiga Sharci darrada, hadduu yahay mid gudaha ah iyo mid dibbada ahba.
  3. Golaha wuxuu u mahadcelinayaa Khubarrada ka soo qeyb gashay shirka isla markaana tallooyink wax ku ool ah bixiyey.
    11. Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Bankiga Adduunka oo mashruuca Badmaal – Somali sustainable Fisheries Development (SSFD) iyo sidoo kale kooxda gacanta ku heysa maamulka mashruuca.

Previous Post

Baarlamaanka Turkiga oo dalkooda ka mamnuucay wax soo saarka shirkadaha taageera Isra’iil

Next Post

Gabar Soomaaliyeed oo Maraykanka ka noqotay duq magaalo

Next Post
Gabar Soomaaliyeed oo Maraykanka ka noqotay duq magaalo

Gabar Soomaaliyeed oo Maraykanka ka noqotay duq magaalo

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In