Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo doon casri ah guddoontay

admin by admin
March 31, 2020
in Wararka
0
Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo doon casri ah guddoontay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka badda DFS ayaa doon kalluumeysi oo lagu tababarayo kalluumeystada waxaay maanta kala wareegtay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabishan Cunnada iyo Beeraha (FAO).

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Maxamuud Sh. Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo doonta kala wareegay FAO ayaa ka mahad celiyay taageerada joogtada ah, waxuuna caddeeyay in doontani oo ah tii ugu horreysay ee wasaaraddu yeelato ay qayb weyn ka qaadaneyso horumarinta xirfadda kalluumeysiga iyo soo nooleynta hannaanka kalluumeyiga dalka.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Doonta ayaa waxaa maamulaya shaqaala ka tirsan wasaaradda kalluumeysiga oo horay loogu tababaray inay tababaraan shaqaalaha iyo iskaashatooyinka.

Agaasimaha Qorsheynta ee wasaaradda Kalluumeysiga Cabdullaahi Cabdi Cadow, oo munaasabadda wareejinta ka hadlay ayaa shaqaalaha loo tababaray inay gacanta ku hayaan doonta kula dardaarmay inay xafidaan si looga faa’iideeyo shacabka Soomaaliyeed.

Doontaan oo cabirkeedu yahay 10.3 mitir oo ay FAO ugu deeqday wasaaradda waxaa sameeyay mashruuca Kaluumeeysiga CCAP oo midawga Yurub uu maal geliyo, waxaana  ka faa’iideysanaya waaxda maamulka kalluunka iyo iskaashatooyinka wasaaradda kalluumeysiga si ay u dhisto awoodda shaqaalaha iyo iskaashatooyinka.

Mashruuca kalluumeysiga CCAP oo la billaabay sanadkii 2016 ayaa u jeedada laga lahaa waxay aheyd in lagu xoojiyo qaybta kalluumeysiga dalka iyada oo dhallinyarada loo sameynayo shaqo abuur, la siinayo xirfadaha muhiimka ah iyo qalab ka saacidaya inay noloshooda iyo nolosha qoysaskooda wax ka bedlaan.

Mashruuca oo kaashanaya wasaaradaha kalluumeysiga DFS iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku guuleystay in dhallinyaro badan loo tababaro hannaanka kalluumeysiga iyo hababka casriga ah ee loo kalluumaysto, sidoo kalana siiyay doomo ay ku jillaabtaan, arrintaas oo waxbadan kusoo kordhisay xirfadooda, agabkooda iyo waxsoosaarkooda dhinca kalluumeysiga, horumuudna u noqotay inay qayb ka qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka.

Doonta ay maanta wasaaraddu la wareegtay ayaa qayb ka ah agabka kalluumeysi oo wax lagu tababaro oo FAO ay ka qaybsisay dalka ayaa qayb ka qaadaneysa horumarinta xirfadda Kalluumeysatada iyo iskaashatooyinka, taas oo qayb ka ah hagaajinta guud ee qeybta kalluumeysiga dalka.

Hay’adda FAO ayaa 24 doonyood oo cabbirkoodu kala yahay 7.5 iyo 8.3 waxay ku wareejisay wasaaraddaha kalluumaysiga dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug sanadkii 2019 iyo billaawga sannadkaan 2020, waxaana loo qaybiyay iskaashatooyinka kalluumaysatada ee xeebaha Soomaaliya.

Previous Post

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukuno kala duwan ku ridey dad ku eedeysanaa dembiyo kala duwan

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Galmudug gaarsiisay qalab looga hortago Karoona Fayras

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Galmudug gaarsiisay qalab looga hortago Karoona Fayras

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Galmudug gaarsiisay qalab looga hortago Karoona Fayras

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In