Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ayaa maanta soo xirtay Tababar qeyb ka ahaa ololaha Wacyigelinta Canshuuraha iyo la tashiga bulshada qeybaheeda kala duwan oo seddex maalin ka socday magaaladda Muqdisho.
Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda maaliyadda Jacfar Maxamed Axmed oo ka hadlay tababarkan la xiriira ololaha bixinta canshuuraha ayaa ku baraarujiyey bulshada in ay canshuuraha yihiin Waajibaad Qaran oo ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay si fiican uga qeyb qaataan.
Sidoo kale agaasimaha waaxda Canshuuraha bariga Muxudiin Xasan Jurus ayaa isna shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey in ay bixiyaan canshuuraha oo muhiim u ah dowladnimada iyo horumar uu dalka gaaro.
Dadkii ka qeyb galay tababrkaas ayaa si weyn uga faa’ideystay baraarujinta iyo wacyi galinta ay soo agaasintay wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaaalka ah ee Soomaaliya oo ay ka hadleen aqoonyahano culumo iyo madax ka tirsan Wasaaradda.