Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta Galmudug oo qabatay shir looga hadlayo fulinta mashaariic horumarieed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta Galmudug oo qabatay shir looga hadlayo fulinta mashaariic horumarieed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan  oo ay soo agaasintey Wasaarada Qorsheynta Galmudug ayaa ujeedadiisu ahaa sidii tashi looga yeelan lahaa fulinta mashruuca horumarinta Dhaqaalaha Dalka ee uu maalgalinayo Midowga Yurub oo guud ahaan Dowlad Goboleedyada Dalka u qoondeeysay in mashruucan ay ku baxdo lacag gaaraysa 83 Milyan oo Yuuro.

Kulankan oo ay ka qayb galeen Wasiiro, Wasiir-ku xigeenno iyo Agaasimayaal ka socda Wasaaradaha Arimaha Gudaha, Howlaha guud, Ganacsiga,  Kallumeysiga, Shaqaalaha, Biyaha, Beeraha, Deegaanka iyo Qorsheynta oo hagida Howshani leh ayaa lagu diyaarinayaa Qorshaha Fulinta Mashruucan, iyadoo lawada qiimeynayo saameynta cudurka Caronavirus uu ku yeelanayo Dalka iyo dhaqaalihiisa.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray iskuulada Dowladda

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray iskuulada Dowladda

January 10, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Koonfuur Afrika oo ka qeybgalay xuska sanadlaha ee xisbiga talada haya

Safiirka Soomaaliya ee Koonfuur Afrika oo ka qeybgalay xuska sanadlaha ee xisbiga talada haya

January 10, 2026

Barre Maxamed Muuse Xiriiriyaha Xaafiiska Hagista Mashaariicda Midowga Yurub ee Wasaarada Qorsheynta Galmudug ayaa sheegay in loo baahanyahay xilliagan in madaxda Wasaaraha ka qeyb galaya shirka inay la yimaadaan qorshe mid ah si loo fuliyo mashruucan.

Wasiiru dowlaha Qorsheynta ahna sii haya Wasiirka Wasaarada mudane Cabdiraxmaan Cusmaan oo ugu dambeyn ka hadley furitaanka kulanka ayaa muujiyay in lagama maarmaan ay tahay dajinta siiyaasad wax ku ool ah oo horseed ka noqota fulinta mashruucan si looga baaqsado saameynta cudurka COVID-19.

Kulankan oo soconaya mudo dhowr cisho ah waxaa sidoo kale ka qayb galayaya Xafiiska Hanti-dhowraha Galmudug oo qayb ka noqonaya ka baaraandagida qorshaha fulinta mashruucan.

Maxamed-deeq Cabdi Dhuusamareeb

Previous Post

Machadka Hano Academy oo soo saaray marooyinka wajiga lagu xirto (Face mask) “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo beeniyay warar laga faafiyay

Next Post
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo beeniyay warar laga faafiyay

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo beeniyay warar laga faafiyay

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray iskuulada Dowladda

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray iskuulada Dowladda

January 10, 2026
0

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfuur Afrika oo ka qeybgalay xuska sanadlaha ee xisbiga talada haya

Safiirka Soomaaliya ee Koonfuur Afrika oo ka qeybgalay xuska sanadlaha ee xisbiga talada haya

January 10, 2026
0

Danjiraha Dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest ugu...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kormeeray xarun tababarka farsamada gacanta ah

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kormeeray xarun tababarka farsamada gacanta ah

January 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta tababarka Farsamada ee...

Madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo qaabilay wafdi ganacsato Itoobiyan ah

Madaxda Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo qaabilay wafdi ganacsato Itoobiyan ah

January 10, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo uu wehlinayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In