LWasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka billaha ah ee Hoggaanka sare, oo ay ka qayb-galeen Wasiir Ku xigeenka Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Kusimaha Agaasimaha Guud Marwo Zahra Cabdi Maxamed ahna Agaasimaha Waaxda Kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka waara, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatiskada Qaranka Mudane Sharmaake Faarax, Agaasimayasha waaxyaha iyo La taliyaasha Wasaaradda.
Shirka oo looga hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yahiin waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda ee qorshayaasha horu-tebinta lahaa iyo kuwa muddeysan ee heerka fulinta marayo si loo dar-dargaliyo. Sidoo kale, Istaraajiyadda howl-galka shaqo ayaa looga hadlay oo ay ku cad yahiin yoolalka kala duwan oo Waaxda Qorsheynta ay soo bandhigtay.
Waxaa kale oo shirka manta diiradda lagu saaray:-
1. Qeybo qoraalka dib-u-eegista waxqabadka Waaxda Kormeerka iyo qiimeynta 2022.
2. Warbixin muuqaleedka dhaqaalaha dalka oo ay soo diyaarisay waaxda Horumarinta Dhaqaalaha.
3. In la xoojiyo istaraatiijiyadda howlaha shaqo ee soo socda, si lo hergeliyo howlaha kala duwan ee u degsan Waaxda Qorsheynta. Sidoo kale, qorshaha Wasaaradda in ay xaqiijiso 2023 ayaa lagu soo bandhigay shirkan.
Kulankaan oo bishiiba mar dhaca ayaa lagu dhegaystaa warbixinnada kala duwan ee ay soo jeediyaan agaasimayaasha waaxaha, sidoo kalana lagu kala xog qaataa, iyada oo dib u eegis lagu sameynaayo qorshaha istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda, iyo dardar-gelinta howlaha shaqo ee waafaqsan qorshayaasha Wasaaradda.