Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta oo soo bandhigtay warbixin sanadeedka kormeerka Hay’adda UNICEF

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta oo soo bandhigtay warbixin sanadeedka kormeerka Hay’adda UNICEF
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo soo bandhigtay Warbixin Sanaddeedka Kormeerka Barnaamijyada Hay’adda UNİCEF ay ka fuliso dalka.

Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta soo bandhigtay warbixin sanaddeedka kormeerka Barnaamijyada Hay’adda UNİCEF ay ka fuliso dalka oo laga soo uruuriyay Dowlad Goboleedyada dalka si loo hubiyo waxtarnimada barnaamijyada, ka qeybgalka bulshada iyo saamaynta wanaagsan ee ay ku yeesheen dadkii ka faa’idasytay.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo si rasmi u daahfuray warbixinta ayaa sheegay in waajibaadka Wasaaraddu ka mid tahay in kormeer joogta ah lagu sameeyo Barnaamijyada dalka ka socda si ay u fududaato Isku-xirka iyo la-socodka mashaariicda dalka iyo in ay waafaqsanyihiin siyaaasadda Kormeeerka iyo Qiimaynta dalka. “ ujeeddada ugu wayn ee aan u soo bandhignay warbixintan ayaa ah in aan ku ogaano waxtarnimada barjaamijyada ay UNICEF ka fuliso dalkeena iyo in aan hubinayo hadii bulshadii loogu talagalay ay si wanaagsan loo gaarsiiyay, islamarkaana hadii caqabado iyo daldaloolo ay jiraan loo saxo” ayuu yiri Wasiir Beenebeene oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamed Shire ayaa faahin kooban oo ku saabsan warbixin sanadeedka iyo meelaha laga soo uruuriyay ka jeediyay shirka oo ay ka soo qeybgaleen Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee hoos yimaada Tiirka Horumarinta Arimaha Bulshada ee Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka. (warbixintan waxaa laga soo uruuriyay Maamul Goboleedyada kala ah ah Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur-Galbeed iyo Galmudug, waxaana rajaynaynaa in sanadka danbe ay noqoto mid laga soo uruuriyay dhammaan dalka si loo ogaado saameynta wanaagsan ee ay reebeen” Agaasime Guud, Maxamed Shire.

Warbixinta ayaa si buuxda u taabanaysa guulaha laga soo hooyay barnaamijyada UNİCEF ka wado gudaha dalka kuwaasoo u badan qeybaha horumarinta arimaha bulshada oo ay ugu horeeyaan waxbarashada, Caafimaadka, ilaalinta carruurta, Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda.

Warbixinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay daldaloolada iyo gaabiska ku yimid Barnaamijyada UNICEF, iyadoo lagu lammaaniyay talooyin ku saabsan sidii looga gudbi lahaa caqabadahaas.

Soo saarista warbixin Sanaddeedka Kormeerka Barnaamijyada Hay’adda UNİCEF ka fuliso dalka waxaa soo diyaarisay Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashanaysa Hay’adda UNİCEF gaar ahaan qeybteeda Kormeerka iyo Qiimaynta.




Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa hay’adda (UNHCR)

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanno ka tirsan Shabeelaha Dhexe

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanno ka tirsan Shabeelaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanno ka tirsan Shabeelaha Dhexe

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In