Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta oo soo bandhigtay warbixin sanadeedka kormeerka Hay’adda UNICEF

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta oo soo bandhigtay warbixin sanadeedka kormeerka Hay’adda UNICEF
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo soo bandhigtay Warbixin Sanaddeedka Kormeerka Barnaamijyada Hay’adda UNİCEF ay ka fuliso dalka.

Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta soo bandhigtay warbixin sanaddeedka kormeerka Barnaamijyada Hay’adda UNİCEF ay ka fuliso dalka oo laga soo uruuriyay Dowlad Goboleedyada dalka si loo hubiyo waxtarnimada barnaamijyada, ka qeybgalka bulshada iyo saamaynta wanaagsan ee ay ku yeesheen dadkii ka faa’idasytay.

Related posts

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo si rasmi u daahfuray warbixinta ayaa sheegay in waajibaadka Wasaaraddu ka mid tahay in kormeer joogta ah lagu sameeyo Barnaamijyada dalka ka socda si ay u fududaato Isku-xirka iyo la-socodka mashaariicda dalka iyo in ay waafaqsanyihiin siyaaasadda Kormeeerka iyo Qiimaynta dalka. “ ujeeddada ugu wayn ee aan u soo bandhignay warbixintan ayaa ah in aan ku ogaano waxtarnimada barjaamijyada ay UNICEF ka fuliso dalkeena iyo in aan hubinayo hadii bulshadii loogu talagalay ay si wanaagsan loo gaarsiiyay, islamarkaana hadii caqabado iyo daldaloolo ay jiraan loo saxo” ayuu yiri Wasiir Beenebeene oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamed Shire ayaa faahin kooban oo ku saabsan warbixin sanadeedka iyo meelaha laga soo uruuriyay ka jeediyay shirka oo ay ka soo qeybgaleen Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee hoos yimaada Tiirka Horumarinta Arimaha Bulshada ee Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka. (warbixintan waxaa laga soo uruuriyay Maamul Goboleedyada kala ah ah Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur-Galbeed iyo Galmudug, waxaana rajaynaynaa in sanadka danbe ay noqoto mid laga soo uruuriyay dhammaan dalka si loo ogaado saameynta wanaagsan ee ay reebeen” Agaasime Guud, Maxamed Shire.

Warbixinta ayaa si buuxda u taabanaysa guulaha laga soo hooyay barnaamijyada UNİCEF ka wado gudaha dalka kuwaasoo u badan qeybaha horumarinta arimaha bulshada oo ay ugu horeeyaan waxbarashada, Caafimaadka, ilaalinta carruurta, Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda.

Warbixinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay daldaloolada iyo gaabiska ku yimid Barnaamijyada UNICEF, iyadoo lagu lammaaniyay talooyin ku saabsan sidii looga gudbi lahaa caqabadahaas.

Soo saarista warbixin Sanaddeedka Kormeerka Barnaamijyada Hay’adda UNİCEF ka fuliso dalka waxaa soo diyaarisay Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashanaysa Hay’adda UNİCEF gaar ahaan qeybteeda Kormeerka iyo Qiimaynta.




Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa hay’adda (UNHCR)

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanno ka tirsan Shabeelaha Dhexe

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanno ka tirsan Shabeelaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanno ka tirsan Shabeelaha Dhexe

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In