Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo maanta daahfurtay ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada

caqiil by caqiil
September 10, 2022
in Wararka
0
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo maanta daahfurtay ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada, oo muhiimad u leh Siyaasadda qaran ee Ilaalinta Bulshada.

Xafladda ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada , ayaa waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad-gobolleedyada Dalka, wakiillo ka socday Jaamacadaha dalka, gobolka Banaadir iyo hay’adda UNICEF.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Wasiir Biixi Iimaan Cige, oo daahfuray munaasabadda ayaa sheegay in manhajka uu awood siinayo fulinta iyo fahanka Siyaasadda ilaalinta bulshada , iyadoo ujeeddaduna tahay in la helo muwaadiniin khibrad u leh Ilaalinta Bulshada (Social Protection).

“ Ilaalinta Bulshada , waa siyaasad dalka dhaxalsiisay in Bulshada Soomaaliyeed , kuwaado nugul adeeg bulsho iyo taageerro dhaqaale inay ka helaan Dawladda… Maanta xubnihiina muhiimka u ah Ilaalinta Bulshada ama Social Protection  ee manhajka ka dooddaya – waxaan rajeynayaa inaad horseedaan taabo -gelinta fahanka iyo fulinta Ilaalinta Bulshada.”

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay sannadkii 2019-kii Siyaasadda Ilaalinta Bulshada , taa oo lagu gaaray fulinta barnaamijka qaran ee taageerrada Qoysaska Nugul (Baxnaano) , wuxuu barnaamijkan si degdeg ah uga jawaabay xaaladaha deg degga ah ee ka dhashay Ayaxa iyo Abaarta , iyadoo markii horaba illaa 1.3 milyan oo qof ay ka faa’iideysanayeen taageerro dhaqaale oo barnaamijka uu siiyay Dadka nugul , sidoo kale mashruuca Sagal ayaa qeyb ka ah barnaamijyada Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay ka fuliso Dalka oo dhan.

 

Previous Post

Golaha deegaanka degmada Xudur oo doortay guddoon cusub

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Soo Gaaray Muqdisho

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Soo Gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Soo Gaaray Muqdisho

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In