Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Shaqada oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Shaqada oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan lagu daah furayay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo saldhig u ah yareynta shaqo la’aanta, isla markaana bartilmaameed u ah u abuuridda dhallinyarada fursado shaqo, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro, diblomaasiyiinta iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii madasha ka hadashay ayaa isku raacay in siyaasadda shaqo abuurka Qaranka ay fursad badan siin doonto dhallinyarada Soomaaliyeed ee iminka heysato shaqo la’aanta.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Balaal Maxamed Cismaan ayaa tilmaamay in tani ay tahay guul u soo hooyatay dhallinyarada Soomaaliyeed, ayna heli doonaan fursado shaqo abuur ah, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dalkooda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaiya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa xusay in ka Wasaarad ahaan ay qaadan doonaan qeybta uga aadan sidii loo dhaqan gelin lahaa siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, isagoo intaa ku daray in barnaamijkan uu qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Mudane Maxamed Aadan Macalin Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in qorshahan uu wax weyn ka tari doono suuqa shaqada ee Soomaaliya, ayna tahay tallaabo dhiiri gelin mudan, isagoo xusay in baahi weyn loo qabay mashruucan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo daah furay mashruucan ayaa balan qaaday inay ka mira dhalin doonaan hadafka iyo ujeeddada loo aas aasay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka,

“Siyaasaddani waxa ay saldhig u tahay kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha, wax ka qabashada shaqo la’aanta iyo si buuxda sare u qaadidda wax soo saarka dalka, Wadanka Soomaaliya waxaa ka jirta shaqo la’aan baahsan, iyadoo qiyaastii 50% in ka badan ay shaqo la’aan yihiin, dadka da’doodu u dhexeyso 15-64 sano, sida ku cad warbixinada Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, si hadaba arrintaa wax looga qabto siyaasadda waxaa saldhig u ah qorshe Qaran oo horumarineed”. Ayuu yiri Wasiirka Shaqada Mudane Cabdiwahaab.

Siyaasadda shaqo abuurka Qaranka ayaa la bilaabay sanadkii 2017-ka, waxaana Golaha Wasiirada ay meel mariyeen sanadkii 2019-ka.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo soo xiray tababar la xiriira sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Ilaada Xeebaha Puntland oo gacanta ku dhigay Markab si sharci darro ah uga Kalluumeysanayay xeebaha Gobolka Bari “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Ilaada Xeebaha Puntland oo gacanta ku dhigay Markab si sharci darro ah uga Kalluumeysanayay xeebaha Gobolka Bari “SAWIRRO”

Ciidanka Ilaada Xeebaha Puntland oo gacanta ku dhigay Markab si sharci darro ah uga Kalluumeysanayay xeebaha Gobolka Bari "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In