Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Shaqada oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Shaqada oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan lagu daah furayay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo saldhig u ah yareynta shaqo la’aanta, isla markaana bartilmaameed u ah u abuuridda dhallinyarada fursado shaqo, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro, diblomaasiyiinta iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii madasha ka hadashay ayaa isku raacay in siyaasadda shaqo abuurka Qaranka ay fursad badan siin doonto dhallinyarada Soomaaliyeed ee iminka heysato shaqo la’aanta.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Balaal Maxamed Cismaan ayaa tilmaamay in tani ay tahay guul u soo hooyatay dhallinyarada Soomaaliyeed, ayna heli doonaan fursado shaqo abuur ah, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dalkooda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaiya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa xusay in ka Wasaarad ahaan ay qaadan doonaan qeybta uga aadan sidii loo dhaqan gelin lahaa siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, isagoo intaa ku daray in barnaamijkan uu qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Mudane Maxamed Aadan Macalin Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in qorshahan uu wax weyn ka tari doono suuqa shaqada ee Soomaaliya, ayna tahay tallaabo dhiiri gelin mudan, isagoo xusay in baahi weyn loo qabay mashruucan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo daah furay mashruucan ayaa balan qaaday inay ka mira dhalin doonaan hadafka iyo ujeeddada loo aas aasay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka,

“Siyaasaddani waxa ay saldhig u tahay kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha, wax ka qabashada shaqo la’aanta iyo si buuxda sare u qaadidda wax soo saarka dalka, Wadanka Soomaaliya waxaa ka jirta shaqo la’aan baahsan, iyadoo qiyaastii 50% in ka badan ay shaqo la’aan yihiin, dadka da’doodu u dhexeyso 15-64 sano, sida ku cad warbixinada Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, si hadaba arrintaa wax looga qabto siyaasadda waxaa saldhig u ah qorshe Qaran oo horumarineed”. Ayuu yiri Wasiirka Shaqada Mudane Cabdiwahaab.

Siyaasadda shaqo abuurka Qaranka ayaa la bilaabay sanadkii 2017-ka, waxaana Golaha Wasiirada ay meel mariyeen sanadkii 2019-ka.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo soo xiray tababar la xiriira sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Ilaada Xeebaha Puntland oo gacanta ku dhigay Markab si sharci darro ah uga Kalluumeysanayay xeebaha Gobolka Bari “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Ilaada Xeebaha Puntland oo gacanta ku dhigay Markab si sharci darro ah uga Kalluumeysanayay xeebaha Gobolka Bari “SAWIRRO”

Ciidanka Ilaada Xeebaha Puntland oo gacanta ku dhigay Markab si sharci darro ah uga Kalluumeysanayay xeebaha Gobolka Bari "SAWIRRO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In