Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Farxiyo Samaan Maxamed ayaa ku dhawaaqday in 20 ka bishaan ay Wasaaraddu daah fureyso tartan dalxiis oo u dhexeeya Degmooyinka dalka, kuwaasi oo lagu soo bandhigayo quruxda iyo horumarka ka muuqda degmooyinka gobollada dalka.

Marwo Farxiyo Samaan Maxamed Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka

Marwo Farxiya ayaa sheegtay in maalmahan ay socdeen tartamo ay soo bandhigayeen quruxda qaar ka mid ay degmooyinka Gobolka Banaadir iyo gobollada qaar, kuwaasi oo lagu muujinayay inay yihiin goobo ku haboon dalxiiska.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025

“Waaxda Dalxiiska ee Wasaarada Warfaafinta waxa ay qorsheysay tartan dalxiis oo guud oo dalka oo dhan ah, madaama aan heysano dal qurux badan, Xeeb dheer, goobo taariikhi ah oo aad loogu xusi karo dalxiiska, sidaa daraadeed Waaxda Dalxiiska waxa ay soo jeedineysa in 20-ka July la daah furi doono tartanka” ayay tiri Agaasime Farxiya Samaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan qabashada tartan dalxiis oo loo qabanayo degmooyinka Gobollada dalka.

“Wasaaradda Warfaafinta iyada oo ka duuleysa ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay soo nooleynta Dalxiiska oo ah qeyb weyn oo hadda runtii sida loogu talagalay aan u shaqeyn, isla markaana gudaneysa waajibaadka ka saaran inay la tartanto Dunida oo dalxiiska hadda ka noqday kaabayaasha koowaad ee dhaqaalaha “ ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimmaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaalla

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaraddu ay waddo dadaal ku aadan in indhaha caalamka la tuso in Soomaaliya ay tahay meel ku wanaagsan oo loo soo dalxiis tegi karo, maadaaa dalku leeyahay goobo ku wanaagsan dalxiiska iyo dhanka cimilada, lana dhiiri gelin doono dhallinyarada muujiyay baahida loo qabo in la helo goobo dalxiis.

“Waxaan Dhawaan Wasaaraddu ay qaban doontaa kulan balaaran oo lagu daah furayo markii ugu horeysay in la asteeyo goobaha dalxiis ee wadanku uu yeelanayo, anago rajeyneyno in taasi ay sahli doonto in qofka Soomaaliga ah ee rabo in degmo ka degmo uu u safro ama qofka Ajnabiga ah ee rabo in Soomaaliya uu u soo safro in uu heli karo meeqo goobood oo dalxiis ayaa ka jirta Soomaaliya” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray in 20-ka bishan la soo bandhigi doono qorshaha asteynta goobaha dalxiiska ee dalka.

Agaasime Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ku wargeliyay saamileyda Dalxiiska iyo dadka daneeya arrimaha dalxiiska inay la soo xiriiri doonaan madaxda Wasaaradda, lana tixgelin doono tallooyinkooda ku aadan horumarinta dalxiiska dalka.

 

Previous Post

Dawladda Turkiga Oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Taageerada Ay Siiso Dawladda Caalamku Aqoonsanyahay Ee Liibiya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Oo Xariga Ka Jaray Fagaaraha Midnimada “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Oo Xariga Ka Jaray Fagaaraha Midnimada “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Oo Xariga Ka Jaray Fagaaraha Midnimada “SAWIRRO”

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In