Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta oo daahfurtay Istraatijiyadda Wacyigelintå Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta oo daahfurtay Istraatijiyadda Wacyigelintå Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Wasiiro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay Istaraatijiyadda Wacyigelinta Qaranka, kaasi o ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka, Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Agasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in Istaraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka la soo waday muddo dhowr sano ah taasi oo ku timid daraasad ay Wasaaraddu sameysay oo ah waxyaabaha ay dadku u baahanyihiin in laga wacyigeliyo.

“Daraasadda waxaa ka soo baxay hal beegyo waa weyn, oo ah meelaha ay tahay in dadka Sooamaliyeed laga wacyigeliyo, farsamayaqaanada Wasaaradda waxa bileen xog arruurin, si loo qaabeeyo, waxaana bishii la soo dhaafay Golaha Wasiirada ay meel mariyeen Istraatijiyadda Wacyigelintå Qaranka oo aan rabno inaan maanta idinla wadaagno” ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah ee madasha ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan daahfurka Istaraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka oo la joogteeyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay inay tahay wax lagu farxo la dagaallanka jahliga iyo sidii bulshada loo siin lahaa wacyigelin guud.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in barnaamijka dadka lagu wacyigeliayo uusan ahayn kaliya mid dowladeed balse shacabka ay wax ku leeyihiin, iyadoo arrintaas ay hormuud ka tahay Wasaaradda Warfaafinta, loona baahanyahay in bulshada la fahamsiiyo ahmiyadda ay Nabadda iyo wacyigelintu leedahay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in barnaamijkan la soo waday waqti badan, isla markaana uu isagu ku soo aaday gunaanadkisa iyo meel marintiisa.

“Mas’uuliyiin iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ka soo shaqeeyay, meesha waxaa ugu muhiimsan Isqaadasho oo ah qodob aad u muhiimsan, qodobka kale waxa uu yahay, xagjirka , fikirka xagjirka ah waxa uu yahay in wiilasha dhallinyarada ee dhufeyska meesha qaldan kaga jira, inaan toosino iyaga oo aan la delin tusno inay qalad ku jiraan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Guddoomiyaha  Golaha Aqalka sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in bulshada ay ka shaqeeyaan midnimada Ummadda, waxaana Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ku bogaadinayaa inay xoojiyaan wacyigelinta bulshada.

“Waxaan Wasaaradda Warfaafinta u soo jeedinaaya inay xooga saaraan fanaaniinta Soomaaliyeed oo kaalin weyn ka qaadan karo wacyigelinta bulshada” ayuu yiri Mudane Cabdi Xaashi oo hadalkiisa ku daray “Soomaaliyeey aan ka shaqeyno midnimadeena iyo wadjirkeena oo aan taageerno hogaankeena, si aan u hiigsano himiladeena”.

 

 

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta soo bandhigay Qorshayaal lagu hormainaayo Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Ilhan Omar and Rashida Tlaib Just Became the First Muslim Women Elected to Congress

Next Post
Ilhaan Cumar oo kamid noqotay Aqalka hoose ee Congresska Mareykanka

Ilhan Omar and Rashida Tlaib Just Became the First Muslim Women Elected to Congress

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In